Home Wararka Somaliya Madaxweynaha Puntland oo Garoowe kula kulmay Wafdi ka socda Kuwait

Madaxweynaha Puntland oo Garoowe kula kulmay Wafdi ka socda Kuwait

0

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay wafdi dalka Kuwait.

Wafdiga oo ka socday Ururka Samafalka ee Liilaaf ee hoggaaminayo Maamulaha Ururka ayna weheliyaan xubno Ururkaasi ka mid ah.

Kulanka oo ay Madaxweynaha ku weheliyeen xubno ka mid ah Golaha Wasiirada iyo Saraakiil Madaxtooyo, ayaa looga hadlay xaaladda Abaaraha ka jira Puntland iyo gurmadka loo fidinayo dadka Abaaruhu saameeyeen.

Madaxweyne Deni ayaa wafdiga warbixin guud ka siiyey xaalada abaaraha ka taagan Soomaaliya gaar ahaan degaanada Puntland.

Wafdiga ayaa sheegay iney Somalia u yimaadeen qiimeyn la xiriirta abaaraha iyo baahiyaha deg dega ah ee jira, iyagoo balan-qaaday iney kaalmo u fidin doonaan dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Ad
Previous articleXildhibaan ku geeriyooday Muqdisho iyo Gudoomiyaha Barlamaanka oo ka hadlay
Next articleWiilka uu dhalay Madaxweyne Musaveni oo guur ka dalbaday Ra’isul Wasaraha cusub ee Talyaaniga

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here