200-125 300-115 200-105 200-310 640-911 300-075 300-320 300-360 642-998 QV_DEVELOPER_01 400-101 700-501 117-201 70-696 700-505 600-199 400-351 300-207 TE0-141 100-105 300-101 300-206 300-070 70-417 210-260 210-060 200-355 300-208 CISSP 300-135 210-065 300-209 70-243 70-480 CCA-500 2V0-621D 210-451 400-051 E05-001 1Z0-052 70-410 640-916 VMCE_V9 810-403 070-464 070-243 700-802 70-246 FCBA GPHR DEV-401 C2090-610 SY0-401 712-50 ADM-201 700-039 312-50 MA0-101 648-244 SK0-004 ASF 70-494 70-673 500-005 1Z0-060 C9560-503 640-875 N10-006 98-367 70-534 NS0-505 70-342 CHFP 070-410 640-878 1V0-603 1Z0-804 C8010-250 312-50V9 C2150-508 98-368 CLOUDF 70-411 70-461 220-901 70-488 070-341 PK0-003 E20-547 70-412 70-686 500-285 CISM 101-400 102-400 PDM_2002001060 JN0-100 642-883 CAP 070-347 Akhriso- Taariikhda Calanka Somalia oo Maanta Ku Beegan waa maalin ka tarjumeysa Qarannimo, Midnimo iyo gumeysi naceyb,, | Mudug 24 online
radiomudug24 xayisiin mudug24 source

Akhriso- Taariikhda Calanka Somalia oo Maanta Ku Beegan waa maalin ka tarjumeysa Qarannimo, Midnimo iyo gumeysi naceyb,,

Maanta oo kale, Sanadka walba waxaa dalka laga xusaa maalinta Calanka, waa maalin ka tarjumeysa Qarannimo, Midnimo iyo  gumeysi naceyb, 61-sano ayaa ka soo wareegatay markii la sameeyay Calanka, Calankeeda waxaa uu leeyahay Sooyaal qiimo badan oo dal iyo dibadba lagu faano.

Taariikhda Calanka Soomaaliya kama bilowdo xilligii ay Soomaaliya ku jirtay Maxmiyadda, oo waxaa jiray isku dayyo badan oo ay sameeyeen SYL xitaa ka hor inta aan Soomaaliya loo dhiibin Talyaaniga.

Sida uu  ii sheegay Halgamaa Cali Xasan Maslax Berdura oo ka tirsanaa 13-kii ee aasaastay SYL, habeenkii la dhisayey SYl waxaa lagu heshiiyay Dastuur cusub iyo  qodobo badan oo aan laga gudbin Karin iyo Calanka.

Calankii Habeenkaas, waxaa laga dhigay calan leh bil oo tilmaamaysa Islaamka, xidigta oo ah Soomlinimada iyo shanta farood oo midnimo iyo wada jir ah.

Lakin Markii Talyaaniga uu la wareegay maamulka Soomaaliya 1950-kii, gumeytaha Ingiriiska waxaa uu ku dhaqaaqay talaabooyin waalli ah, ingiriis-ka waxaa uu qaatay waqooyiga Soomaaliya, NFD waxaa uu siiiyay  gumeystaha Kenya, Xeebta ama Djabuti waxaa xoogay Faransiiska, Ingiriiska sidoo kale Itoobiya waxaa uu siiyay Somali Galbeed, waxaa arin culus noqotay in dhulkaas iyo dadka degan la isku keeno.

SYL, markii ay aragtay in Somaliweyn faraha ka sii baxeyso, Waxaa ay ku fakirtay in la sameeyo Calan qiimo badan oo Soomaaliweyn ka tarjumaya, waliba ka hor  inta aan xuriyadda la gaarin 1960-ka.

Farshaxano badan ayaa la sameeyay, dad badan ayaa dadaalay, tartan ayaa loo galay sidii Calan Soomaaliyeed loo sameyn lahaa, lakin ugu dambeyntii, Waxaa la qaatay farshaxankii iyo hindisihiisa uu lahaa Allaha u naxariistee Maxamad Cawaale Liibaan oo ka mid ahaa Leegada iyo midowga shaqaalaha ganacsatada.

Maxamad Cawaale Liibaan, Calanka waxaa uu ku sameeyay wax ka yar 24 saac, lakin waxaa uu noqday Calan umadda Soomaaliyeed ka tarjuma, isagoo soo bandgigay

Xiddigta cad ee shanta gees leh waxaa ay ka tarjumeysaa Shanta qeybood ee dhulka Soomaalidu degto ka kooban yahay

Midabka buluugga khafiifka ah waxaa uu ka tarjumayaa  Cirka iyo badda dhulka Somaalida oo mar walba midabkoodu buluug yahay.

Calankan Buluugga ah ee xidigta ka tarjumeysa Soomaliweyn dhexda uga hardhan tahay waxaa la sameeyay 12 October, 1954, Maalintaas wixii ka dambeeyay Soomaalida waxaa ka tarjumayey calankaas, oo ah astaan ka hadleysa Somaliweyn iyo Midnimo qaran.

Dhinaca kale, Heesta Calanka, waxaa ay leedahay taariikh gaar ah, heestan, waxaa miraheeda lahaa (AUN)  Abwaan Xuseen Aw Faarax Dubbad, Waxaa laxanka  lahaa (AUN) C/laahi Maxamed Maxamuud Xirsi (Qarshe).

Abwaanka Alifay heesta ayaa ka sheekeeyay in heestaas ay ku jirtay riwaayaddii ay isku barteen Xuseen Aw Faarax iyo  Abwaan Qarhse oo Waqooyi ka yimd  iyo Fanaaniintii reer Muqdishu.

Heesta waxaa ay ku jirtay riwaayad lagu eegayey fanka labada abwaan,  Xuseen Aw Faarax waxaa uu sheegay in riwaayadda marka ay dhaxda mareyso oo  ay qaadeen heesha calanka in isaga iyo qarhse la siiyay Diploma lagu abaalmarinayo labaadsi abwaan, Diploomadaasi lama bixin ka hor xiligaas ama kadiba, Waxaa ay sidoo kale isla riwaayaddaas ka dhigeen Djabuti iyo Cadan.

Xilliga riwaayaddaas Muqdishu lagu dhigay waxaa ay aheyd 1956-dii,  labo sano ayuu jiray calanka Soomaaliya, hees sidan u qiimo badan cid u qaatay ma jirin.

Miraha Heesta Waxaa ka mid ahaa:

Qolobaa calankeedu,
waa ceynoo,
Innaga keenu waa,
Cirkoo kale e,
Oon caadna lahayn,
Ee caashaqaye.
Xidigyahay cadi,
Waad noo ciidamisee,
Carradaa kaligaa
adow curadee
cadceeda sideedaa
u caan noqo ee

Cishadad dhalataad calooshayadii
sidii culaygii cidaad marisee
Allow ha ku celin cawoy dhaha

Waxaan hubaa in Soomaali badan dhiiga iyo damiirkoodu u dhaqaaqay  maqalka heesta, Lakin marka aan runta isu sheegno, heesta calanka maanta ma laha dhadhankii hore, dalka waxaa loo kala qeybiyay  gobolo, qabiilo, dowlad goboleedyo, ma jirto labo isku fikrad ah, ma jirto labo ka sheekeysta Somaliweyn, Midnimo iyo Mustaqbalka dalka, dadka iyo diinta!

Sida uu ii sheegay Jen. Jaamac Maxmed Qaalib, dadkii hore  waxaa ay ku faani jireen Calanka, Ciidanka qaranka  iyo Soomaalinimada halka  maanta lagu faano Maamulka goboleedyada, taageerada iyo lacagaha loo uruuriyo maamul goboleedka ayaa ka xamaadsad badan taageerada Qaranka.

Maanta Soomaaliya waxaa ay leedahay boqol calan, gobol walba waxaa uu leeyahay calan u gaar ah iyo hees calan, gobol walba waxaa uu leeyahay Dastuur iyo calan ka duwan midka qaranka, Madaxweynayaal tiro badan, waxaa meesha ka baxay micnihii weynaa heesha calanka iyo qaranimada Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntii, June 5, 2001 ayuu Maxamed Cawaale Liiban oo ahaa ninkii sameeyeey calanka Soomaaliya ku geeriyoodey magaalada Toronto ee dalka Canada.

W/D: Cabdi Caziz Gurbiye.

taariikh

10 ku laabo mudug24 xiriir

Comments

comments

Fikradaha Akhristayaasha (3)

  1. NUURKANEDERLAND says:

    HEESTAAN CALANKA U TIRIYEY//.././././.
    CALANKEENU WAA DAHAB
    CAADIL BAA NASIIYOO
    UGUB CURUDA WEEYAAN
    CAADUQIYO GUMAYSTAHA
    FARANJIGII CADAANKIYO
    RABAA NOOGA CIIDMOO
    CUDU BAAN KU TUUROO
    QORI CAARADIISBAAN
    KU DHACSANAY CALANKEE
    CURUDAAN KU WEYNOO
    ÇIIDA AAN KU DUUGNEE
    UMADYAHAY CAFIDA OO
    CIRIIRIGA KA DHAWROO
    SOOCELIYA SHARAFTII
    CAAMKU NAAGU YIQIINEEN..




ad

Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya oo Shaaciyay Tirada Dhimashada iyo Dhaawaca Qaraxii Gen” Kaahiye.
- Dec 14, 2017
Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumay ayaa Faah Faahiyay Tirada Ku dhimatay Kuna ...
War Deg Deg Ah Kooxda Shabaab oo war kasoo saartay Qaraxa ka dhacay Magaalada Muqdisho..
- Dec 14, 2017
War ka soo baxay Xarakada Al Shabaab ayaa lagu sheegtay mas’uuliyada weerarkii ismiidaaminta ahaa ...
Qof Dhalinyaro ah oo Xalay lagu dilay Wadada Bile Rafle ee Magaalada Gaalkacyo..
- Dec 14, 2017
Nin dhalinyaro ah oo xalay lagu dilay jidka bile raflle ee Gaalkacyo" Marxuumkan oo lagu ...
Akhriso Warsaxaafadeed Gudoonka labada Aqal oo Khilaaf Xoogan soo Kala dhex-galay.
- Dec 14, 2017
Khilaaf iyo loolan dhanka awoodda ah ayaa ka soo if baxay Guddoonka Labada Gole ...
Deg Deg:- Qarax ismiidaamin ah ayaa Lagu Galay Xarunta Gen Kaahiye ee Ciidanka Boliiska Xili ay Wadeen Diyaar garoowga Dabaal dega.
- Dec 14, 2017
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax Ismiidaamin ah oo saakay aroortii hore ...
War Deg Deg Ah Weerar ka Dhacay Deegaanka Taaroge oo Khasaaro ka dhashay..
- Dec 14, 2017
Wararka ka imaanaya Deegaanka Taaroge ayaa sheegaya in Halkaasi uu ka dhacay weerar Xoogan. Weerarka ...
Akhriso:- Waxyaabaha Ka soo Baxay Shirkii Wadamada Islaamka
- Dec 14, 2017
Maanta oo arbaco ah waxaa magaalada Istanbul ka furmay shirka madaxda islaamka oo uu ...
Dhageyso Madaxweynaha Galmudug oo Hadal ka jeediyay Magaalada Gaalkacyo oo uu gaaray,,
- Dec 14, 2017
Madaxweynaha Maamulka Galmudug, Axmed Ducaalle Geelle Xaaf iyo Wafdi ballaaran uu hogaaminayo ayaa gaaray ...
Sawiro Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf oo lagu soo dhaweeyay Magaalada Gaalkacyo..
- Dec 13, 2017
Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa maanta soo gaaray Magaalada Gaalkacyo. Xaaf oo hogaaminaya ...
Madaxwaynaha Turkiga oo Shirka Iskaashiga Islaamka Ka jeediyay Khudbad Taariikhi ah.
- Dec 13, 2017
Hogaamiyaha Islaamka Rajab Dayid Erdogan ayaa Maanta  Jeediyay Khdubad Cajiib ah, oo soo jiidatay ...
War Deg Deg Ah Madaxweynaha Galmudug xaaf iyo Xildhibaano soo gaaray Magaalada Gaalkacyo
- Dec 13, 2017
Waxaa Goordhow gaaray Magaalada Gaalkacyo wafdi uu hoggaaminaayo Madaxweynaha Galmudug  Axmed Ducaalle Geelle iyo ...
Wasiirka Wasaaradda Amniga Galmudug Cismaan Ciise Nuur (Taardhuleed) oo magacaabay isku duwaha wasaaradda Amniga Galmudug ee Gobolka Mudug.
- Dec 13, 2017
Masuulkaan la magacaabay ayaa lagu magacaabaa Abdullaahi Jaamac diirshe oo ah nin dhalinyaro ah ...
Xildhibaanada Golaha Shacabka oo Ansixiyay Miisaaniyada Dowlada ee Sanadka 2018.
- Dec 13, 2017
Xildhibaanada Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa goor dhow ansixiyay Miisaaniyadda ...
Madaxwayna Galmudug oo Ku Wajahan Magaalada Galkacayo.
- Dec 13, 2017
Madaxwaynaha Galmudug Axmed Ducaalle Gelle Xaaf ayaa Maanta Ku wajahan Magaalada Galkacayo ee Gobalka ...
Ururka Suxufiyiinta NOSOJ oo 25 Weriye Tababar Uga Furay Cadaado (Sawiro)
- Dec 13, 2017
Ururka  Suxufiyiinta qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa Maanta si rasmi ah Magaalada Cadaado uga ...

Facebook/Twitter

-----------------------------------------------------------------

ad


%d bloggers like this: