Home Wararka Maanta “Al-Shabaab lacag aan Karfan ku iibsado ayey ii soo direen” meyre oo...

“Al-Shabaab lacag aan Karfan ku iibsado ayey ii soo direen” meyre oo Qori Garabka Kuwata ayaa Ka Shekeeyey wixii Dhexmaray Asaga Iyo Alshabaab

0

Meyre Maxamed Nuur oo ka mid ah xaq u dirirka ka abaabulan gobolka Shabeellada Dhexe ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab ay u soo dirtay lacag uu Karfan ku soo gato.

“Al-Shabaab lacag aan Karfan ku iibsado ayey ii soo direen, aniguna kama cabsan ee waxaan dhahay ii soo badiya aan Sonkor ku gatee,” ayuu yiri Aabe Meyre Maxamed Nuur.

Ninkaan ayaa sheegay in cagajugleyn xun uu kala kulmay Al-Shabaab, isla markaana deegaankii uu ku noolaa ee Aqab-duco ay maamulayeen mudo 16 sano ah, iyadoo ugu dambeyntii ay iska xoreeyeen.

“Aniga iyo Al-Shabaab nama wada qaado dhulkaan, wax kasta oo aan heystay waa iga dhaceen, reerkii ayaan kala baxsa waayey 16 sano kadib, maanta waxaan ku eryanaa duurkaan,” ayuu yiri odagaan oo warbaahinta kula hadlay duleedka Aadan-yabaal.

Wuxuu sheegay in mar kasta ay ku weeraraan meeshii loogu sheego inay ku sugan tahay kooxdu, “Meel kasta oo ay u cararaan ugama hari doono,” ayuu yiri Aabahaan oo qorigiisa garaarsan.

Dhacdooyin yaab leh oo dadka reer miyiga ah ay kala kulmeen kooxda Al-Shabaab oo hadda wajaheysa kacdoon bulsho oo aad u adag ayaa laga soo tebinayaa deegaano u badan Hiiraan iyo Sh/Dhexe ee HirShabeelle.

Ad
Previous articleSharciyeenta Hashiiska ee Sweden oo Xisbiga Kristdemokrat-ka uu doonayo
Next articleAfar madaxweyne goboleed oo dhisaya isbaheysi cusub oo ka dhan ah Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe oo Xilka Laga Tuuraayo(Xog)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here