Home wararka Dalka Degmada Burtile Waxaa Maanta Xilka kula Wareegay Maayarka Cusub,,Sawiro,,

Degmada Burtile Waxaa Maanta Xilka kula Wareegay Maayarka Cusub,,Sawiro,,

0

Munaasibad uu xilka kula wareegayay duqa cusub ee degmada Burtinle Mudane Maxamed Maxamuud Buurdibi ayaa maanta oo Sabti ah waxaa lagu qabtay xarunta dowladda hoose ee magaladaasi.

Waxaa ka qayb galay o munaasibada joogay Gudoomiyaha Gobalka Nugaal, Xildhibaano ka socda Baarlamaanka dowladda Puntland, Odayaasha dhaqanka ee degmada iyo dadwayne kala duwan, sidoo kale waxaa goobta joogay oo xilka wareejiyay mamulkii sida KMG ah madaxwayne Gaas ugu soo magacaabay Degmada Burtinle isla markasna xilka hayay mudo saddex bilood ah.

Khadar Cabdirsaaq oo xilka si ku meelgaar ah u hayay ayaa hadal uu munaasibada ka jeediyay wuxuu kaga hadlay wixii u qabtay mudadii uu xafiiska joogay, waxa kale uu sheegay inuu ku faraxsan yahay mamulka cusub oo ay doorteen gollaha deegaanka, wuxuna balan qaaday inuu si wanaagsan ula shaqayn doono mamulka cusub, ayna ka go’an tahay ka shaqaynta horumarinta degmada oo sanadkan lagu soo daray mashruuca JPLG.

Duqa cusub ee degmada Burtinle Maxamed Maxamuud Buurdibi ayaa balan qaaday inuu kaga dhabeyn doono balan-qaadkii uu doorashada ku galay, waxa kale uu mahad u jeediyay mamulkii hore ee degmada soo maamulayay, ugu danbeyntii shacabka iyo waxgaradka magalada ayuu ka codsaday inay la shaqeeyaan si loogu guulaysto shaqooyinka culus ee mamulkan horyaala.

Gudoomiyaha Gobalka Nugaal Mudane Cumar Cabdilaahi Farawayne ayaa sheegay inay guul ka gaareen doorashadii gollaha deegaanka Burtinle, waxa kale uu ku dheeraaday muhiimada ay lee dahay in wada shaqayn wanaagsan dhexmarto mamulka cusub iyo shacabka, isagoona si toos ah farta ugu fiiqay in shacabka xaafadaha looga baahan yahay dhankooda inay ammaanka ka shaqeeyaan iyo horumarinta.

Xildhibaanada iyo Odayaashii munaasibada xil wareejinta ka hadlay ayaa dhankooda boggaadiyay mamulka cusub, waxayna sidoo kale ammaaneen mamulkii hore oo shaqada halkan soo gaarsiiyay.

bur1 bur2 bur3 bur4 bur5 bur6 bur7 bur8 bur9 bur10 bur11

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here