Home Wararka Somaliya Puntland Faroole oo si wayn uga hor yimid go’aano xalay lagu gaaray Madaxtooyada...

Faroole oo si wayn uga hor yimid go’aano xalay lagu gaaray Madaxtooyada Puntland

0

Urur-siyaasadeedka Horseed ee uu hogaamiyo Madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan Faroole ayaa qaadacay go’aano xalay ka soo baxay shir ka dhacay xarunta madaxtooyada Puntland kaasoo ay ka soo qeyb galeen guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland, qaar ka mid ah ururada siyaasada iyo hogaanka sare ee Puntland oo uu horkacayey Madaxweyne Deni

Kulanka ayaa lagu go’aamiyey in doorashada soo socita ee Puntland ay noqoto mid qof iyo cod ah, iyadoo qorshahaas uu m,udooyinkanba gadaal ka riixayey Madaxweynaha Puntland

Qoraal ka soo baxay urur siyasadeedka horseed ayaa lagu qaadacay in Puntland xilligan laga qabto doorashooyin qof iyo cod ah, waxaana qoraalku intaas ku daray in arrintan uu madaxweyne Deni ku hoos qarinayo muddo kororsi.

“Xukuumadda Deni waxa aan ugu baaqaynaa in ay ka waantowdo ololaha muddo-kororsiga” ayaa lagu yiri  War saxaafadeedka Horseed oo ah ururkii u horreeyey ee Puntland laga asaaso waxaana unkay Senator Faroole.

War-saxaafadeed ka soo baxay urur siyaasadeedka Horseed ayaa lagu sheegay in caqabado badan ay wakhtigan ku gedaaman yihiin hirgelinta doorashooyinka qof iyo cod taas oo ay ugu horrayso in aan lagu kalsoonaan karin dhex-dhexaadnimada guddiga doorashooyinka TPEC.

Horseed ayaa sidoo kale tilmaamay in aan wax kalsooni ah lagu qabin xukuunadda hadda jirta ee Puntland oo sida ay sheegeen fara-gelin toos ah ku haysa nidaamkan islamarkaana mudda kororsi raadinaysa.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa weli ku dhegan qorshihiisii ah inuu deegaanada maamulkaas ka qabto doorasho qof iyo cod ah kadib 20 sano oo uu maamulkaas ku shaqeynaayey doorasho baarlamaani ah.

Sidoo kale, waxaa qorshaha Deni ka hor yimid Urur Sincad oo uu hogaamiyo Eng Mohamud Khalif Hassan Jabiye oo damaca deni ku sifeeyey mid boob ah oo xukunka lagu dheereysanayo.

Ad
Previous articleP.M Xamze oo Safar Dibada ah Ubaaxaaya saacadaha soo socoda
Next articleGalmudug oo Ciidankii ugu Horeeyey ee Gurmad ah u Dirtay Degaanka Yasooman ee Hiiraan(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here