Home Wararka Somaliya Mucaaradka oo war kasoo saaray waxa ka jira Waan-Waan Laga Dhex Bilaabay...

Mucaaradka oo war kasoo saaray waxa ka jira Waan-Waan Laga Dhex Bilaabay Dowladda Iyo Mucaaradka?

0

Saacadihii lasoo dhaafay ayaa waxaa soo baxayay warar sheegaya in Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada Hirshabeelle iyo Galmudug ay bilaabeen dadaalo kala duwan oo lagu xalinayo dagaaladii ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Hayeeshee xubno ka tirsan Midowga Musharixiinta Madaxweynaha, saraakiisha hoggaamineysa ciidanka ka horyimid muddo kororsiga ayaa sheegaya in uusan jirin wadahadal iyo xiir dhexmaray Mas’uuliyiinta dowladda ee xilligoodu dhammaaday.

Madaxweyne Qooqroor iyo Cali Guudlaawe ayaa warar soo baxayay sheegayeen inay Dowladda iyo Mucaaradka ka dhex wadaan waan-waan lagu xalinayo dagaalkii dhacay, waxaana wararkaas beeniyay xubno ka tirsan Musharaxiinta.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa iska soo duubay Muuqaal kooban ayaa waxaa uu ku sheegay in dagaalkii ka dhacay Caasimadda lagu dhameyn doono wadahadal, isla markaana xal laga gaari doono khilaafka jira.

Rooble ayaa sidoo kale faray ciidamada qaranka iyo laamaha ammaanka inay gutaanka waajibkooda sharciga ah ee ilaalinta nabadda iyo badqabka Shacabka, ayna ka hortagaan khatar walba oo lala damacsan yahay amniga.

Arrintaan ayaa muujineysa suurtagalnimada in Muqdisho mar kale uu dagaal ka dhaco, iyadoo ciidamadi difaacyo iyo dhufeyso carro-tuur ay dhigteen goobihii xalay iyo shalay dagaalada ka dhaceen, waxaana dadka reer Muqdisho ay qabaan walwal weyn iyo dareen ku aaddan amnigooda.

Ad
Previous articleWaa Sidee Xaalka Magaalada Muqdisho ee maanta kadib dagaaladii dhacay
Next articleDeg Deg Taliyihii Degmada Shibis oo Mucaaradka isku dhiibay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here