Home Wararka Maanta Dowlada Soomaaliya oo Reer Falastiin Gargaar u Diraysa

Dowlada Soomaaliya oo Reer Falastiin Gargaar u Diraysa

0

Guddoomiyaha hay’adda maareynta musiibooyinka qaranka Soomaaliyeed ee SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin oo maanta hadal ka jeediyay munaasabad ka dhacday isgoyska Zoobe oo lagu xusayay sanad kahor maanta oo kale qaraxii ka dhacay ayaa ka hadlay arrimo ku aadan weerarka Israel ee Gaza.

Maxamuud Macallin ayaa shaaca ka qaaday in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay garab taagan yihiin walaalahooda reer Falastiin, isla-markaana ay u dirayaan gurmad bani’aadanimo.

Guddoomiyaha ayaa xusay in SoDMA ay diyaar la tahay in dhaqaatiir iyo gargaar kale la gaarsiiyo magaalada Gaza, marka la furo marinka Rafac ee xuduudda Falastiin iyo Masar.

“Hay’adda Maareynta Musiibooyinka waxa ay ku talagashay, haddii la furo marinka Gaza inay u diri doonto gargaar Ummadda Soomaaliyeed laga qaaday” ayuu yiri Maxamuud Macallin.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Waxaa diyaar ah dhaqaatiir, waxaa diyaar ah Ummadda Soomaaliyeed wax ay iska soo auruurisay, waxaab diyaar u nahay inaan kaalmo u geyno annaga oo iskaashaneyno”.

Horay dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay duqeyntii Israel ka geysteen Isbitaalka Al-Ahli Arab ee Gaza oo lagu dilay in ka badan 500 oo qof, maadama isbitaalka yaalleen boqolaal qof oo dhaawac ah, qaar badan oo kamida dadka barakacay, bukaano kale, caruur iyo haween.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa bayaanka ay markaas  soo saartay oo ku qornaa afka Carabiga ku baaqday xabad joojin shuruud la’aan ah, ayada oo Israel xasuusisay qawaaniinta caalamiga ah.

Bayaanka oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa waxaa lagu yiri “Waxaan ugu baaqeynaa Israa’iil in ay ixtiraamto sharciga caalamiga iyo xabbad joojin deg-deg ah oo shuruud la’aan ah.”

Ad
Previous articleDadbadan oo ka falceliyay Talaabadii ay Golaha Wasiiradu Xalay Qaadeen
Next articleAlshabaab oo la Sheegay inay Ka danbeeyaan Dagaal Beeleedyada Kasocda Dalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here