Home Wararka Maanta Madaxweyne C/Wali Gaas: “Anigaa Haya Caddeynta In Somaliland Maalgeliso Al Shabab”

Madaxweyne C/Wali Gaas: “Anigaa Haya Caddeynta In Somaliland Maalgeliso Al Shabab”

0

Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdi Wali Maxamed Cali gaas ayaa sheegay in uu hayo caddeymo ku filan in Maamulka Somaliland uu maalgeliyo Al shabaab.

Gaas oo ka qeybgalayay dood Twitter Space ahayd ayaa sheegay in xitaa ay ogtahay Dowladda ingiriiska oo ay sidaas raali uga tahay.

Waxaa uu isweydiiyay sababta ay Al shabaab halista ugu hayaan dalka intiisa kale ee aysan Somaliland uga heyn amni darrada.

Gaas ayaa sheegay in intii uu madaxweynaha Puntland ahaa uu ururiyay xogtaas lana wadaagay Dowladda Ingiriiska hayeeshee uu kala kulmay jawaab ka yaabisay.

“waxaan Adis ababa kula kulmay safiirka UK ee Itoobiya,waxaan ku iri, Somaliland waxa ay maalgelisaa Al-shabaab,caddeyntiina waan heynaa, waxaase uu igu yiri fadlan kor ha u dhihin, xitaa haddii ay jirto” ayuu yiri Cabdi Wali Maxamed Cali Gaas.

Waxaa uu sheegay in Al-shabaab iyo Somaliland ay labadaba yihiin mashruuc halmeel laga maalgeliyo oo loogu talagalay inaysan xasillooni ku helin Soomaaliya.

Somaliland ayaa dhawaan ku eedeysay Puntland in ay taageerto Al-shabaab kaddib markii sida ay sheegtay Somaliland Ciidamada Puntland iyo rag ka tirsan Shabaab ay ka dagaallameen Laascaano

Ad
Previous articleMaamulka Hirshabeele oo Si cara Leh uga Hadlay Weerarkii Alshabaab Ku Qaadeen Gurigii lagu Daawaynaayay Macawislaysda Hirshabeele
Next articleShuruuc adag oo lagu soo rogay dadka tahriibka ku galaya Mareykanka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here