Home Wararka ugu Muhiimsan Dowlada Kenya oo ka jawaabtay in Ciidankeeda kala baxdo Dalka Somaliya

Dowlada Kenya oo ka jawaabtay in Ciidankeeda kala baxdo Dalka Somaliya

0

Dowlada aan deriska nahay ee Kenya ayaa ka jawaabtay Warqad kasoo baxday Dowlada Soomaaliya oo Midowga Africa looga dalbanayay in Ciidmaada Kenya ee qeybta ka ah Howlgalka AMISOM laga saaro gudaha Dalka Soomaaliya.

Wasiirka gaashaandhigga Kenya Monica Juma ayaa tiri “In Ciidamada Kenya ka baxaan Soomaaliya xilligaan ma go’aamin karno waa in uu ka yimaadaa Midowga Afrika, mana ahan mid quseeya xiriirka xumaaday ee labada dal.”

Wasiirka ayaa Sidoo kale sheegtay xiriirka xumaaday ee dowladda Soomaaliya ay jartay aysan wax saameyn ah ku yeelada doonin go’aanka ciidamada Kenya ee Qeybta ka ah AMISOM ay ku joogaan gudaha Soomaaliya.

Wasiirka Gaashaandhigga Kenya Munica ayaa sidoo kale sheegtay in go’aanka kama dambeysta ah ee ciidamada Kenya looga saarayo Soomaaliya ay waajib tahay inay qaraar ku ansixiso Qaramada Midoobay.

Ad
Previous articleCiidanka Galmudug oo Hawlgal Miino baaris ah ka sameeyay Degmada Bacaadweyne
Next articleWakiilada Beesha Caalamka oo Cadaadis saaraya Madaxweyne Farmaajo si uu u Ogolaado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here