Home Wararka Somaliya Galmudug 4 Kursi oo Maantay Lagu Doortay Dhuusamareeb iyo Hal musharax Madaxweyne ...

4 Kursi oo Maantay Lagu Doortay Dhuusamareeb iyo Hal musharax Madaxweyne oo 3 Kursi ka Helay Maantay Doorashadaas(Aqriso)

0

Guddiga Doorashada Galmudug ayaa maanta soo saaray 4 Kursi oo ay kusoo kala baxeen.

1- #HOP138 Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, hoggaamiyaha Wadajir oo 5tii sanno ee lasoo dhaafay si adag uga soo horjeeday siyaasadda Farmaajo, haddana kamid ah midowga Musharaxiinta Madaxweyne-nimada doorashada loo madlan yahay.

2- #HOP040 Cabdullahi Aadan Kulane oo kamid ahaa Saraakiisha NISA ee loogu hadal-heynta badnaa, mid kamid ah xubnaha ku dhaw Madaxweyne Farmaajo, dadka qaarkood ugu yeeraan ninka hayay Malafka GEDO ee Villa Soomaaliya.

3- #HOP007 Faarax Cabdi Diini oo ahaa gudoomiye kuxigeenka howlaha guud iyo gaadiidka, kana soo mid noqday Saraakiisha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Soomaaliya ee NISA.

4- #HOP053 Raysal-Qorane Abshir oo horey u ahayd ganacsato, kana soo jeeda Waqooyiga Galguduud, kursigan ayaa ahaa midka beesha Madaxweyne Farmaajo.

Ad
Previous articleCali Yare Cali oo Ka Hadlay cida Safarkiisa Hor istaagtay Xili loo Diiday inuu u Dhoofo Galmudug
Next articleCali Yare Cali oo Ceeb iyo Fashil uu ka Qabsaday Dowlada uu Qeybta ka ahaa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here