Home Wararka Somaliya Galmudug Alshabaab oo Dagaal Culus ku Dhexmaray Degmo ka Tirsan Galmudug Xili Ciidamada...

Alshabaab oo Dagaal Culus ku Dhexmaray Degmo ka Tirsan Galmudug Xili Ciidamada Dowladu Kaabiga Ku hayaan

0

laga helayo gobolka Galgaduud ayaa waxay sheegayaan in degmada Ceeldheer uu ka dhacay dagaal u dhaxeeya dagaal-yahano ka wada tirsan kooxda Al-Shabaab.

Dagaalkan ayaa si gaar ah waxa uu xubno ka tirsan kooxda ugu dhex-maray deegaanka Bidde Ciise oo hoostago degmada Ceeldheer, sida ay baahisay warbaahinta dowladda.

Dagaalkan ayaa waxaa la xaqiijiyay in uu ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Sida ay baahisay warbaahinta dowladda dagaalka ayaa yimid kadib markii horjoogayaasha kooxda Al-Shabaab ayaa isku fahmi waaywen in la dhameystiro oo la dilo maleeshiyaad kusoo dhaawacmay dagaal ka dhacay deegaano hoostago magaalada Galcad ee gobolkaas.

Dagaalkan ayaa waxay kooxda iskaga dishay illaa 3 horjooge, halka sidoo kale lagu dhaawacay 10 kale oo ka tirsanaa kooxda.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in kooxda ay deegaanka Cowswayne ee degmada Ceeldheer ku xir-xirtay inta badan odayaashii la shaqeyn jiray ee qeybta ka ahaa howlaha degmada Ceeldheer iyo deegaanada hoostago.

Maalmo ka hor unbay aheyd markii uu degmada Jilib uu ka dhacay dagaal u dhaxeeya dagaal-yahano ka wada tirsan kooxda Al-Shabaab.

Dagaalkaas ayaa yimid kadib markii dagaal-yahaano ka tirsan kooxda ay weerareen guriga horjooge sare oo ka tirsan ajaanibta ka barbar dagaalanta kooxda, kaasi oo lagu magacaabo Jaabir, oo kamid ah horjoogayaasha ajaanibta ah ee saameynta ku leh kooxda Al-Shabaab.

Kadib weerarka waxaa halkaasi uu dagaal toos ah ku dhexmaray maleeshiyaadkii weerarka qaaday iyo kuwa ku sugna guriga horjoogaha Kenyanka ah, kaasi oo inta la xaqiijiyay ay ku dhinteen shan xubnood, halka ay ku dhaawacmeen siddeed kale oo uu ku jiro horjoogaha ajnabiga ah ee gurigiisa la weeraray.

Si kastaba, Tan iyo markii uu billowday dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab waxaa sii xoogeystay isqaarijinta iyo kala-shakiga kooxda, iyada oo kooxda ay gulufka ka dhanka ah ku lumisay deegaano badan iyo dhaqaale ay heli jirtay, inkasta oo weli ay mararka qaar qaado weeraro rogaal celin ah.
Ad
Previous articleCiidmada Dowlada oo La Wareegay Degaan ka Tirsan Galmudug oo Alshabaab mudo Haysteen
Next articleWararkii ugu dambeeyay ee wejigii labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab oo si Rasmi ah Ubilowday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here