Home Wararka Maanta Qaramada Midoobey oo shaacisay in dad ka badan 100,000 oo qof ...

Qaramada Midoobey oo shaacisay in dad ka badan 100,000 oo qof ay ku Barakaceen colaada Gurceel

0

In ka badan 100,000 oo qof ayaa ka qaxay magaalo Guriceel sababo la xiriira xiisada colaadeed ee u dhaxaysa Ahlusunna Waljamaaca iyo maamulka Galmudug, sida ay sheegtay QM.

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Xiriirinta Arrimaha Bani’aadamnimada (OCHA) ayaa sheegay in xiisadda ay hadda ku fidday 28 tuulo oo miyiga ah.

“Barakacayaasha waxaa ka mid ah qiyaastii 1,005 carruur aan cidina wehlin iyo 2,009 qof oo naafo ah,” ayay UNOCHA ku sheegtay bayaan ay ka soo saartay magaalada Muqdisho, caasimadda Soomaaliya.

Galmudug ayaa sheegtay khamiistii in ciidamadeedu ay hareereeyeen magaalada Guriceel kadib markii uu burburay wada hadallo lagu doonayay in lagu baajiyo colaada ka taagan Guriceel.

Galmudug ayaa sheegtay in ciidamadeedu ay doonayaan inay dib ula wareegaan magaalada Guriceel, halkaas oo Ahlu Sunna Waljameeca ay muddo ku dhow bil gacanta ku haysay.

Sida laga soo xigtay Qaramada Midoobay, helitaanka cuntada, biyaha, fayadhowrka iyo adeegyada aasaasiga ah aad bay u kooban yihiin waxaana inta badan barakacayaasha lagu soo warramayaa inay si buuxda ugu tiirsan yihiin biyo –dhaamin.

Warkaan ayaa kusoo beegmaya xilli saaka lagusoo waramayo in dagaal u dhaxeeya labada dhinac uu ka qarxay magaalada Guriceel, iyadoo hubka nuucyadiisa kala duwan la isku adeegsanayo.

Ad
Previous articleMuqtaar Roobow oo Sheegay in Noloshiisa halis galiyeen Ciidamo laga keenay Galmudug
Next articleDagaal ka dhacay Suuqa Bakaaraha ayaa lagu dilay Ganacsade Caan ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here