Home Wararka Maanta dowlada Qatar iyo Dowlada Soomaaliya oo Khilaaf Xoogan soo kala dhex galay

dowlada Qatar iyo Dowlada Soomaaliya oo Khilaaf Xoogan soo kala dhex galay

0

Waxaa soo if baxaya wada shaqeyn la’aan ka dhex jirta Wasaarada Arrimaha Dibbada Soomaaliya iyo Safaarada Soomaaliya ay ku leedahay magaalada Doxa ee dalka Qadar,taasoo mugdi gelinaysa xiriirka labada dal ka dhexeeya.

Wada shaqeyn la’aanta soo ifbaxday ayaa waxaa ay gaartay in uu xumaado xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Qadar kadib qoraalo is burinaya oo ay Wasaarada Arrimaha Dibbada Soomaaliya u dirtey dhiggeeda dalka Qadar.

Wada shaqeyn la’aanta soo if baxday ayaa salka ku haysa qaar ka mid ah diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee dalka Qadar ee fadhigoodu yahay magaalada Doxa oo la sheegay in la bedelay balse qoraalo is burinaya la gaarsiiyay dowlada Qadar.

Qoraal kasoo baxday Xafiiska Xoghayaha Joogtada Wasaaradda arrimaha Dibadda Soomaaliya dhamaadkii bishii July ayaa lagu wargaliyay Qunsulka, ku xigeenkiisa iyo xoghaya 3 aad ee Safaaradda Soomaaliye ee Qatar inay shaqadoodii loo wareejiyay xarumo kale.

Hase yeeshee Horaantii bishan Augost waxaa xafiiska hab maamuuska Wasaaradda Arimaha Dibadda Qatar tagay Dublamaasi ka tirsan Safaaradda waxayna u sheegtay in laga noqday go’aankii bedelidda Dublamaasiyiinta.

Wasaaradda Arimaha Dibadda Qatar ayaa ka codsatay dhiggeeda Soomaaliya inay kala cadeyso mowqifkeeda ku aadan bedelka diblumaasiyiinta.

Wadashaqeyn la’aanta Wasaarada Arrimaha Dibbada Soomaaliya iyo Safaarada  ay ku leedahay Soomaaliya magaalada Doxa ayaa sidoo kale laga dareemay booqashadii Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya C/qaadir Maxamed Nuur uu Qatar ku tagay bishii 7 aad ee sanadkan taasoo aysan ka warhayn Wasaaradda Arimaha Dibadda Soomaaliya.

Sidoo kale Booqashada la filayo inuu Ra’isul Wasaare Xamse Cabdi Barre ku tago dalkaas ayaa waxaa ka jira ismaandhaaf kadib markii ay Wasaaradda Arimaha Dibadda sheegtay  inuu R/W Xamse booqan doono bisha 4 teeda ilaa 8-da halka ay Safaaraduna sheegtay 5 ilaa 7 da bisha Sagaalaad.

Wasiiru Dawle Cali Balcad ayaa isaguna booqashadiisii dalkaas horaantii sanadkan waxaa ka dhashay jahwareer kadib markii ay Safaarada Soomaaliya ee dalka Qatar u sheegtay dowlada Qatar in Wasiirka imaanaya uu yahay Wasiirka Arimaha dibadda ee uusan ahayn Wasiiru Dawlaha .

Wada shaqeyn la’aantan soo shaac baxday ayaa ku soo beegmaysa xilli ay dowlada Soomaaliya aysan weli u magacaabin safiir rasmi ah dalka Qadar iyadoo haatan uu sii haye kaliya Soomaaliya wakiil uga ah dalka Qadar.

Qadar ayaa safiir buuxda oo muhiim ah u soo magacawday dalka Soomaaliya waxayna dadka siyaasada faaqid ay aaminsan yihiin inay Qadar saluugsan tahay inaysan dowlada Soomaaliya u soo magacaabin safiir buuxa.

Qadar ayaa waxa ay ka mid tahay wadamada ugu waaweyn ee xiriirka iskaashi la leh dalka Soomaaliya,kana fulisay mashaariicyo badan.

Ad
Previous articleCiidamada Dowlada oo Fashiliyay Weerar Culus oo Alshabaab Damacsanaayeen
Next articleCiidamadii Soomaaliland looga Laayay buurta Gacan libaax oo Aas Qaran loo Sameeyey iyo muuse biixi oo Waxad ku maray in…(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here