Home Wararka Maanta Tartan orod oo loogu magac daray Sayid Maxamed Cabdulle Xasan oo ka...

Tartan orod oo loogu magac daray Sayid Maxamed Cabdulle Xasan oo ka dhacay Jigjiga

0

Xafiiska Dhallinyarada iyo Ciyaaraha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, ayaa qabtay tartankii 12-aad ee orodyahannada, kaasoo looggu magacdaray Sayid Maxamed Cabdille Xasan.

Sida uu baahiyey SRTV, tartankan ayaa ahaa mid ay ku loolamayeen hay’adaha nabad gelyada, orodyahannada deegaanka, iyo ardayda wax ka barata Jaamacadda Jigjiga.

Orodkan ayaa ahaa mid la ordayay 5 km.

Dhanka ragga, kaalinta 1-aad, ayaa waxaa galay Xamse Xasan, kaalinta 2aad waxaa galay Barkhad Maxamed.

Qeybta dumarka, kaalinta 1-aad, ayaa waxaa galay Qaalgidhaan Ayjillu, kaalinta 2-aad Asma Cusmaan, kaalinta 3aad Tigist Habtaamu.

Xigasho: SRTV

Ad
Previous articleXuseen Maxamed Cabdi oo Dilay Xaaskiis oo asna La Toogtay
Next articleDowlada Britain oo sheegtay saldhig ciidan inay ku hayneyso dadka Tahriibka Ku Yimaada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here