Home Wararka Somaliya Jubbaland Madaxda Dowlada Federalka iyo kuwa Jubaland ‘oo laga mamnuucay’ Gedo Kadib Dilkii...

Madaxda Dowlada Federalka iyo kuwa Jubaland ‘oo laga mamnuucay’ Gedo Kadib Dilkii Taliye Bakool kooke

0

Guddoomiyaha degmada Doolow ee gobolka Gedo Maxamed Xuseen Cabdi (Lafeey) oo maanta qabtay shir jaraa’id ayaa sheegay in garoomada gobolka Gedo aysan kasoo degi karin Madaxda ka tirsan dowladda federaalka iyo maamulka Jubbaland.

Guddoomiye Lafeey ayaa sheegay in masuuliyiinta dowladda federalka iyo maamulka Jubbaland ee isku daya inay yimaadaan deegaanada gobolkaasi uu amray in dib loo celiyo.

Sidoo kale waxa uu sheegay in wixii hadda ka dambeeya arrimaha gobolka Gedo uu isagu masuul ka yahay, oo lagala xariirayo, inkasta oo uusan sheegin cidda awoodaas siisay.

Lafeey ayaa la sheegaya in uu gacan-saar la leeyahay saraakiisha ciidamada Itoobiya ee gobolka Gedo, uuna taageero weyn ka haysto.

Arrintaan ayaa uga sii dareysa xaalad hubanti la’aan ah oo ka taagneyda gobolka Gedo kadib geeridii taliyihii hay’adda Nabad-Sugidda Qaranka (NISA) ee gobolkaasi Bakaal Kooke oo qarax ku khaarajisay Al-Shabaab.

Gedo ayaa waxaa muddooyinkii dambe ragaadiyay khilaaf ku saabsanaa awooda gobolka oo Itoobiyaanka ay dhex-dhexaadin ka wadeen.

Maalmo ka hor unbey aheyd markii garoonka diyaaradaha Aaden Cadde ee magaalada Muqdisho ay ciidamada dharcadka NISA ka hor istaageen inuu ka dhoofo siyaasi kasoo jeeda gobolka Gedo.

Siyaasigan oo gacansaar la leh madaxweynaha Jubbaland ayaa lagu magacaabaa Cabdillahi Cabdi Qariyow (Cabdillahi Shimbir), waxaana laga reebay diyaaradii uu la socday oo ku wajahneyd magaalada Beledxaawo.

 

Ad
Previous articleGudoomiye Cabdi Xaashi oo Magacaabay Xoghayaha Guud ee Aqalka sare
Next articleDagaal culus oo ka dhacay Duleedka Degmada Mahadaay iyo xubno Al-Shabaab ah oo nolol lagu qabtay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here