Home Wararka Maanta Khaliif:Ninkii xabsiga Guriceel ku dhex furay Xaawo Cabdullahi oo sheegay...

Khaliif:Ninkii xabsiga Guriceel ku dhex furay Xaawo Cabdullahi oo sheegay sida ay wax u dheceen

0

Xaawo Cabdullaahi Nuur, waa hooyo si weyn sheekadeeda loogu baahiyay baraha bulshada isla markaana la isla dhex marayay saacadihii lasoo dhaafay iyadoo la sheegay in ay soo wajahday xaalad culus oo aysan u taag heynin.

Xaawo waa hooyada siddeed carruur ah halka ilmihii sagaaladna ay leedahay uurkiisa oo hadda ay dhalmo ku dhowdahay ama ay gashay bishii sagaalaad sida ay sheegtay iyadu.

Waxay ku xiran tahay Xaawo saldhigga booliska ee magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud. Sababta ayaa ah lacago deyn ah oo lagu yeeshay xilli ay ku jirtay ganacsi xoolaha ah, taasina ay keentay in xabsiga ay ku jirto muddo lix bilood ah iyadoo xaamilo ah.

Xaawo waxa ay sheegtay in ay garab ka weyday ninkii qabay ee ay ilmaha u dhashay waliba u uku dhex furay maxkamadda iyada loo haysto lacag aysan awoodin bixinteeda.

BBC-da ayaa sheekada Xaawo ee baraha bulshada ku faaftay kadib xiriir la sameysay, Khaliif oo ah ninka ay ilmaha u dhashay Xaawo, waxa uu ka hadlay eedaha ah in uu xaalad xun kaga tagay Xaawo isla markaana uu ilmihii ka qaatay.

Isaga oo dib u xasuusanaya sida ay wax u dhaceen, ayuu yiri: “Gabadhaan lacag ayaa hadda kahor lagu yeeshay oo aan ku dhibtooday, waxay ahayd ku dhawaad 8 sano kahor, waxay ahayd lacag badan oo ilaa afartan kun oo dollar gaareysa, waxan qaylo dhaan u diray reerkeeda iyo eheladeeda, waxayna igu yiraahden adiga qaba ee xalli”.

Khaliif waxa uu sheegay in dhibaato badan kadib uu bixiyay lacagtii iyadoo Xaawo markaas ay aaday magaalada Nairobi ee dalka Kenya, markii dambana uu soo celiyay.

“Xilliga aan lacagtaas bixinteeda ku jiray waan xanuunsaday oo sonkor ayaa igu dhacday, waxa ay igu noqotay dhibaato, hase yeeshee maadaama gabadhu ay xaaskeyga tahay reerkeediina ay I dheheen bixi, waan ku qaasbanaaday waana bixiyay” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Khaliif waxa uu sheegtay in muddo kadib haddana ay Xaawo gashay deyn kale isaga oo aan ka soo kaban dhibtii ka qabsatay bixinta dayntii hore.

Ganacsiga xoolaha nool ee ay iibineysay ayuu sheegay in ay sabbaan lacagaha mar waliba lagu yeesho, oo uu dhowr mar kala taliyay in ay ka fogaato deymaha culus ee aysan awoodda u heynin bixintooda.

Xilliga uu dhacay furriinka ama kala tagga qoyska

Xaawo intii ay ka hadleysay xaaladda ay ku kala tageen ninkeeda ayey tiri,”Ninkeyga waxa uu igu furay maxkamadda dhexdeeda waliba aniga oo garab ka sugaya isaga”.

Khaliif oo ka war bixiyay sida uu furriinku u dhacay ayaa yiri, “Waxba kama jiraan in aan gabadha ku furay maxkamadda, gabadha waxa aan furay mar ay ilmaha la baxsatay oo ay sii socotay, garsooraha maxkamadda ayaa igu yiri gabadha ma furtay anigana waxa aan iri horay u furay haddana wey iga furantahay”.

Waxa uu sheegay in Guriceel uu tagay arrin maxkamadeed oo isaga dacwo lagusoo oogay, waxa uu sheegay in gabadhu ay ku dacweysay in uusan waligiis waxba siinin iyo in uu ka qaatay lacag.

Khaliif ayaa sheegay in furriinkooda uu salka ku hayo ilmaha ay la baxsatay inta aan lasoo qaban, hase yeeshee xilliga uu furriinku dhacayay uusan wax war ah ka heynin in gabadha loo heysto lacag deyn ah.

Waxa uu sii raaciyay in uu koomo galay xilligii uu maqlay in ilmaha ay la baxsatay Xaawo iyada oo ku wajahan Kenya isaga oo aan kawar heynin.

Waxa hadda la gudboon Khaliif ee xaaladda Xaawo ay ku sugantahay

Xaawo ayaa hadda weli xiran maadaama ay horay maxkamad ugu xukuntay xabsiga.

Khaliif oo dhankiisa aan weydiinnay waxa uu ka qaban karo kiiskan ayaa yiri, “Anigu hadda waxa aan hayaa ilmihii oo siddeed ah, waana xanuunsanahay, laftgeygu xaaladda ayaa ugu adag balse waan arki doonnaa sida ay wax noqdaan”.

Lacagta Xaawo lagu leeyahay ayaa lagu sheegay in kabadan konton kun oo dollar [50,000$], hase yeeshee waxa haatan muuqata in ay u keceen bulshada Soomaaliyed si wax looga qabto xaaladeeda caafimaad lagana caawiyo arrinta lacaga lagu leeyahay.

Xaawo waxay wali ku sugan tahay saldhigga booliska ee magaalada Guriceel, waxaana la sheegay in boolisku u ogolaadeen warbaahinta inay la kulmaan.

Ad
Previous articleSida ninkani qabri uu meydka gabadhiisa u qodayay uga dhex helay gabar kale oo nool
Next articleGudoomiye Madaale oo Lacag Badan ugu Deeqay Xaawo Cabdullahi oo Wali ku Xiran Xabsiga Guriceel

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here