Home Wararka Maanta Shir madaxeedkii wadamada Urur Goboleedka IGAD, oo dib u dhacay iyo Farmaajo...

Shir madaxeedkii wadamada Urur Goboleedka IGAD, oo dib u dhacay iyo Farmaajo oo ka qeyb gali lahaa

0

Waxaa dib loo dhigay Shir madaxeedkii wadamada Urur Goboleedka IGAD, kaas oo la filayay in uu Maanta oo Isniin ah ka qabsoomo Magaalada Kampala ee Caasimadda dalka Uganda.

Shirkaas oo looga hadli lahaa xaaladaha dagaalka ka socda dalka Itoobiya iyo  xasaradaha kajira dalka Suudaan, waxaana lagu casuumay oo ka qeyb geli lahaa Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed  Cabdullaahi Maxamed ( Farmaajo).

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Uganda, Lindah Nabusayi ayaa sheegay in Shirka dib loo
dhigay mudo todobaad ah, in kastoo uusan faah faahin sababta dib loogu dhigay Shirka

Qaar kamid ah Madaxda Afrika dalalka Afrika ayaa shirkaasi isku diyaarinayay si ay uga qeyb galaan maadaama dalal kamid ah Afrika ay xilligaan kajiraan dagaalo iyo rabshado xoogan.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaan weli ka hadlin dib u dhigida Shirka looga hadli lahaa arrimaha dagaalada Itoobiya iyo xasaradaha dalka Suudaan, kaas oo uu ka qeyb geli lahaa Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed  Cabdullaahi Maxamed ( Farmaajo).

Ad
Previous articleRa”isul Wasaare Rooble oo Shir La yeeshay Hogaanka Hay”adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha (Sawiro)
Next articleRa”isul Wasaare Rooble oo Dhuusamareeb u Soo duulay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here