Home Wararka Maanta Cumar Cabdirashiid oo Si kulul Uga Hadalay Doorashada Ka Dhacday Garoowe

Cumar Cabdirashiid oo Si kulul Uga Hadalay Doorashada Ka Dhacday Garoowe

0

Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa shaki galiyay habka ay ku bilaabatay doorashada gollaha shacabka ee shalay ka dhacday magaalada Garawe ee caasimadda Puntland.

Cumar Cabdirashiid ayaana qoraal uu soo dhigay barta Twitterka farta ku fiiqay doorashada xildhibaanada gollaha shacabka ee lagu qabtay xero ciidan oo kutaala Garawe, waxa uuna isweediiyay waxa keenay in xero doorashada lagu qabto.

“Haddii doorasho lagu qabto xeryo ciidan, waa maxay khatarta ah in FEAT ay si cad u wajahdo sharci-darradaas. Yaan kula xisaabtameynaa liiskan dhibaatooyinka aan dhammaadka lahayn ee muuqda. Xaqiiqadu waxay u muuqataa mid aad uga argagax badan wixii aan horay uga baqaynay” ayuu ku yiri Cumar Cabdirashiid.

Doorashada xildhibaanada gollaha shacabka ee shalay ka bilaabatay magaalada Garawe ayaa loo jeediyay dhaliil iyo eedeymo badan, waxaana doorashadaasi oo lagu qabtay xero ciidan lagu tilmaamay mid aan daah furneyn oo musuq maasuq hareeyay.

Ad
Previous articleGolaha Wasiirada Soomaaliya oo Maantay La Horgaynaayo Qaraar lagu Raali Galinaayo Qalbi Dhagax
Next articleSiyaasiga C/raxmaan C Shakuur oo war ka Soo saaray Dhalinyaradii Eleteriya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here