Home Wararka Maanta Dowlada Somalia oo raali gelin rasmi ah u Dirtay Dowlada Masar

Dowlada Somalia oo raali gelin rasmi ah u Dirtay Dowlada Masar

0

Xafiiska Madaxweynaha ayaa Raaligelin ka bixiyay warkii horay uga baxay isla Madaxtooyada ee ahaa in Madaxweynaha Soomaaliya uusan la qabin warkii uu sheegay Madaxweynaha Masar ee ku saabsanaa Webiga Niil.

Madaxweynaha Masar Abdelfatah Sisi ayaa sheegay in isaga iyo Madaxweyne Xasan Sheekh ay ka wada hadleen qodobo badan oo ay ka mid aheyd arrinta biyo xireenka Wabiga Nile ee Itoobiya oo Masar ay si weyn uga soo horjeedo.

Waxaa uu sheegay in isaga iyo dhigiisa Xasan Shiikh ay isku mowqif ka noqdeen khatarta ay leedahay siyaasadda halka dhinac ah marka la fulinayo mashaariicda wabiyada isaga gudba xuduudaha.

“Waxaan isku mowqif ka nahay khatarta ay leedahay siyaasadaha halka dhinac ah ee ku aaddan hirgelinta mashruucyada la xiriira webiyada caalamiga ah iyo sida ay lama-huraan u tahay inuu jiro iskaashi iyo wadatashi dhexmara dowladaha uu wabigu maro, si loo dammaanad qaado in aanay dhibaato soo gaarin mid kamida dowladahaas, arrinkaasuna waa mid la jaanqaadaya xeerarka qaanuunka dowliga ah ee la xiriira arrinkaa, sidaa darteed waxaa lama huraan ah in si dhaqso ah loo gaaro heshiis ku salaysan sharci, fulintiisuna ay tahay qasab marka ay timaaddo buuxinta iyo howlgelinta biyo-xireenka, taasoo ah sida waafaqsan bayaan madaxeedkii ka soo baxay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay sanadkii 2021, taasoo looga jeedo ilaalinta amniga iyo xasiloonida gobolka”ayuu yiri Madaxweyne Abdelfatah Sisi

Afhayeenka Villa Somalia Cabdikarim Cali Kaar oo hadalkaas ka dib shir jaraaid qabtay ayaa sheegay in madaxda Somalia iyo Masar aysan ka wada hadlin khilaafka ka taagan qeybsiga biyaha webiga Niil, wuxuuna xusay Madaxweyne Xassan Shiikh uusan la qabin hadalka ka soo yeeray Al-Sisi.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dowladda Masar ay cadaadis xoogan ku saartay Villa Somalia in hadalka afhayeenka raali gelin ka bixiyo.

HOOS KA AKHRISO RAALI GELINTA AFHAYEENKA VILLA SOMALIA

 

Ad
Previous articleGantaalkan ayaa la sheegay inuu maanta ama berri ku soo wajahan yahay meelo ay Africa ku jirto.
Next articleTaliye cusub oo loo Magacaabay Saldhiga Shangaani

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here