Home Wararka Somaliya Caasimada Dhuusomareeb oo maanta lagu Qabanayo Kuraas kamid ah Golaha Shacabka

Caasimada Dhuusomareeb oo maanta lagu Qabanayo Kuraas kamid ah Golaha Shacabka

0

Guddiyada doorashooyinka heer dowlad Goboleed ee Galmudug iyo Gobolada Waqooyi ee Somaliland ayaa Maanta la filayaa in Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Muqdisho ku qabtaan doorashada kuraas kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka.

Xarunta dugsiga tababarka Janeraal Kaahiye ee Magaalada Muqdisho ayaa Maanta lagu qabanayaa doorashada Afar kamid ah kuraasta Golaha Shacabka ee Gobolada Waqooyi, kuwaas oo horay Guddiga doorashooyinka u shaaciyeen, waxana ay kala yihiin.

1: Hop#207 oo uu hadda ku fadhiyo Xildhibaan Feysal Cumar Guuleed.

2: Hop#212 oo dhowrkii sano ee la soo dhaafay ku fadhido Nuuriye Aadan Ciise.

3: Hop#259 oo uu ku fadhiyo Wasiir kuxigeenkii hore ee Wasaaraddda Warfaafinta Cabdiraxmaan Iidaan Yoonis.

4: Hop#258 oo ay hadda ku fadhiso Sahro Yuusuf Cige.

Dhinaca kale Guddiga doorashooyinka heer dowlad Goboleed ee Galmudug ayaa Maanta Magaalada Dhuusamareeb ku qabanaya doorashada Saddex kamid ah Golaha Shacabka, kuwaas oo shalay la diiwaangeliyay musharrixiinta ku tartamaya, waxaana ay kala yihiin kuraasta & musharrixiinta Maanta ku tartamaya.

1:Hop#147 oo 9-kii Sano ee la soo dhaafay uu ku fadhiyo Mahad Maxamed Salaad, waxaana Maanta ku tartamaya isla Mahad Maxamed Salaad & Shamso Cabdullaahi Maxamed.

2: Hop#055 oo uu horay ugu fadhiyay Sakariye Xassan Sheekh Cali (Sakariye Gaashaan) balse waxaa Maanta ku tartamaya Maxamed Xuseen Abuukar iyo Maxamed Saciid Cabdullaahi.

3: Hop#035 oo uu ku fadhiyo dhowrkii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay  guddoomiyaha Guddiga Amniga Golaha Shacabka Maxamed Cabdulle Faarax Geeseey, waxaase Maanta ku tartamaya guddoomiye kuxigeenkii hore ee howlaha Guud ee Gobolka Banaadir Cumar Cali Cabdi iyo Cabdullaahi Axmed Cabdi.

Doorashooyinka Soomaaliya ayaa haatan ku socda si dardar leh, waxaana dhiman kuraas badan oo Golaha Shacabka ah, xilli mudadii loo qabtay in lagu soo geba-gabeeyo doorashada ay ka harsan tahay muddo todobaad ah.

Ad
Previous articleDhalinyaro Somali ah oo kamid noqday Golaha Deegaanka ee Caasimada Oslo
Next articleBeebalaha Banaadira Oo Ku dhawaaqay dhamaan Kuraasta Ku Layaheen Golaha Shacabka Xiliga La Qabanaayo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here