Home Wararka Somaliya Galmudug Madaxweyne Qoor Qoor oo Balan Qaad Cajiib ah Ka Helay Danjire Mohamed...

Madaxweyne Qoor Qoor oo Balan Qaad Cajiib ah Ka Helay Danjire Mohamed Souef(Sawiro)

0

Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) oo ku sugan magaalada Muqdishu ayaa kulan la qaatay Ergeyga cusub ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya mudane Mohamed Souef.

Madaxweynaha iyo danjiraha ayaa ka wada hadlay arrimaha dhowr ah oo ay ugu weyntahay xaaladaha amni iyo sidii ATMIS qeyb uga noqon laheyd howlgalada Galmudug ay hogaamineyso ee lagu baacsanayo khawaarijta.

Qoorqoor ayaa u sheegay wakiilka Midowga Afrika dedaalka Maamulkiisu ugu jiro la dagaalanka iyo ciribtirka kooxda Al-shabaab iyo sidii adeegyada bulshada loo gaarsiin lahaa degaanada laga saaray kooxdaas.

Ergeyga cusub ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya mudane Mohamed Souef ayaa bogaadiyey dedaalka ay DF iyo dowlad goboleedyada xubnaha ka ah ugu jiraan sugida amaanka dalka iyo ciribtirka Al-Shabaab isagoo balan-qaaday in ciidamada ATMIS ay doorkooda ka qaadan doonaan howlgalada socda iyo guud ahaan taageerada kale ee loo baahan yahay.

Ad
Previous articleXasan Shiikh oo billad sharaf Qaran gudoonsiiyay dhiggiisa Jabuuti (Sawirro)
Next articleHalyeygii Kubadda Cagta Brazil Pele Oo Geeriyooday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here