Home Wararka Somaliya Hirshabeelle WAR DEG DEG: Qarax ismiidaamin ah oo lagu weeraray xero ay leeyihiin...

WAR DEG DEG: Qarax ismiidaamin ah oo lagu weeraray xero ay leeyihiin Ciidanka Xoogga dalka

0

Qarax ismiidaamin ah ayaa la soo sheegayaa in goor dhow lala beegsaday xero ay degan yihiin ciidanka xoogga dalka oo ku taalla duleedka magaalada Baydhabo

Warbaahinta DF aya sheegtay in Ciidanka Xoogga dalka ay fashiliyeen gaari nooca xamuulka ah oo laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa kaasoo lala dooneyey in gudaha loo geliyo xerada ciidanka xoogga  ku leeyihiin degaanka Kala-beyr ee gobolka Hiiraan.

Labo askari ayaa ku dhintay qaraxaas, sidoo kalena waxaa ku dhaawacmay saddex kale sida ay sheegtay warbaahinta dowlada.

Sidoo kale ciidamada dowlada ayaa la sheegay iney ku raad joogaan labo nin oo la sheegay in gudaha magaalada kaga degeen gaariga qaraxa ismiidaaminta ah lagu fuliyey.

Ma jiraan warar madax banaan iyo faahfaahin intaas ka badan oo laga helayo qaraxan ismiidaaminta ah ee lagu weeraray xerada ciidanka XDS ee degaanka Kala beyr, wixii ka soo kordhana wararkeena ayaan idinkugu soo gudbinaynaa insha Allah

Ad
Previous articleXildhibaan Yaasiin Cabdulaahi fareey oo Siyaasadda qormo ka qoray
Next articleDeg Deg Qarax xoogan oo ka dhacay Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here