Home Wararka Maanta Mercy Aigbe oo caan.ka ahayd kana tirsaneyd Nollywoodka oo qaadatay Diinta...

Mercy Aigbe oo caan.ka ahayd kana tirsaneyd Nollywoodka oo qaadatay Diinta Islaamka

0

Haweeney filim sameeye ama jilaa caan ka ah gudaha dalka Nigeria oo la yiraahdo Mercy Aigbe ayaa qaadatay diinta Islaamka, waxayna la baxday magaca Hajia Meenah kaddib shahaadada loo qabtay.

Xidigtan oo katirsan shirkadda sameysa filimada Nollywood ee dalka Nageria ayaa islaamnimadeeda ku muujisay kulan uu goobjoog ka ahaa seygeeda oo lagu magacaabo Kazeem Adeoti.

“Insha Allah, hadda kaddib magaceygu waa Hajia Meenah Mercy Adeoti, waxaana ahay haweeney muslimad ah,waan xasilay, waana faraxsanahay. Waana markii koowaad oo aan soomo bisha Ramadaan.” ayey tiri Hajia Meenah.

Gu’yaalihii lasoo dhaafay dad caan ah oo jilayaal u badan ayaa qaadanayay diinta wannaaga badan ee Islaamka, waxayna ku biirayeen dadkaasi bulshada ugu ballaaran dunnida oo ah Muslimiinta.

Ad
Previous articleQaraxyo caawa ka Dhacay Muqdisho iyo Booliska oo Warka soo saaray
Next articleMuwaadiniin Soomaaliyeed oo ku Xirnaa Dalka Dibadiisa oo laga soo Muqdisho laga soo dejiyay Magaalada Muqdisho (Sawirro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here