Home Wararka Somaliya Galmudug Ciidamada Daraawiishta Galmudug iyo kuwa Gorgor oo Wali Gaaro la Caad iyo...

Ciidamada Daraawiishta Galmudug iyo kuwa Gorgor oo Wali Gaaro la Caad iyo Wararkii ugu Danbeeyey ee Dagaalada koonfurta Gobalka Mudug

0

Ciidanka Xoogga Dalka, Daraawiishta Galmudug iyo Ciidanka Difaaca Shacabka ee la abaabulay ayaa weli laba jiho kaga sii gurguuranaya deegaanka Caad ee koonfurta Gobolka Mudug.

Ciidamadii toddobaadkii hore ka soo ruqaansaday Degmada Xarardheere ee la wareegay tuulada Baraag Ismaaciil ayaa weli ku sii siqaya deegaanka Miiroon, oo la filayo in ay uga sii gudbaan deegaanada Eryaal, Miliqo illaa ay Caad ka gaaraan.

Ciidamadan oo si taxadar leh ugu socdo waddada ayaa iska caabin kala kulmaya maleeshiyada Al-Shabaab ee dhulka jiqda ah ku jira, iyadoo sidoo kalena ay caqabado ka haystaan miinooyinka ku aasan waddada.

Sidoo kale ciidamadii kale ee ka soo dhaqaaqay deegaanka Cammaara ayaa weli ku sii siqaya deegaanka Caad, waana halka ay ciidanku iska caabinta xoogeeda kala kulmayaan.

Maleeshiyada Shabaabka ayaa la sheegaya in ay difaacyo dhirarsan kaga jiraan tuulooyinka Jeex-jeexa, Yacgoos illaa aagga Dhagaxdheer, isla-markaana ay dhooban yihiin dhulka hawdka ah ee halkaasi ku yaala.

Dhulka lagu dagaalamayo oo dhul buuraley, hawd iyo miyiba leh ayaa qayb ka ah waxyaabaha sababay in hawlgalku uu gaabis noqdo.

Caqabadda kale ee ay ciidamadu wajahayaan ayaa ah miinooyinka lagu aasay waddada iyo Shabaabka oo qaarkood qoryaha liishaanka leh la saaran buuraha, waxna ay ka soo tooganayaan, inkastoo ay jiraan diyaarado dagaal oo xagga hawada ka garaacaya.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in hawlgalka ay Arbacadii ku biireen cutubyo ka tirsan Guutada Abuu Dujaana iyo Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka.

Ciidamadan oo dagaalka ka soo galay dhanka hawdka ee deegaanka Shabellow ayaa hujuumaya Jeex-jeexa, oo haddii ay la wareegaana ay waddo u furi karto qabsashadooda Caad.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka, Korneyl Dayax Cabdi Cabdulle oo ku sugan koonfurta Gobolka Mudug ayaa sheegay in Al-Shabaab laga saaray dhul ballaaran oo hawdka ah, ciidamaduna ay kulaalayaan deegaanka Caad, oo sida uu yiri ay wax yar u jiraan.

Waxa uu sheegay in Shabaabku ay dhaawacyo fara-badan kala geeyeen deegaanka Jowle oo hoostagga Degmada Xarardheere iyo Degmada Galhareeri ee Gobolka Galgaduud.

“Runtii meelaha laga saarayna xabaalo wadareedyo ay maleeshiyaadkoodu ku aaseen baa laga heli karaa,” ayuu yiri Taliyaha.

Mar uu ka hadlayay khasaaraha dhanka ciidamada ayaa waxa uu yiri “Annaga waxa na soo gaaray ma badna, wixii xagayna gaara waa shuhaddo, dalkooda iyo diintooda difaacaya. Runtii dagaal haddii la galana dhimashana waa jirtaa, dhaawacna waa jiraa, laakiin khasaaraha ciidamadeenna soo gaaray aad buu u kooban yahay.”

Taliyaha oo garowsan in hawlgalkan uu gaabis hareeyay ayaa ku andacoonaya “Dhulka lagu dagaalamayo oo dhul buuraley oo kaymo u badan, muddo dheerna ay nimankan ka qodanayeen godad iyo dhufeysyo weeye dhulka lagu dagaalamayo. Marka taasaa waxay keenaysaa in hawlgalku uu ku socdo si tartiib tartiib ah, meel kasta oo ciidamadu qabanayaana ay baaritaano ku sameynayaan, si loo yareeyo khasaaraha dadka deegaanka, loogana feejignaado miinooyinka dhulka lagu aasay.”
Korneyl Dayax Cabdi Cabdulle, Taliyaha Ciidanka Dhulka ayaa hadalkiisa ku xoojiyay “Sidaas oo ay tahay runtii guul fiican ayaa laga gaaray dagaalka, dhul ballaarana waa laga riixay nimankaas, waxa dhimana oo bulshada Soomaaliyeed naga filayaana, waanu gaari doonnaa, haddii Ilaahay nagu simo.”

Korneyl Dayax ayaa hawlgalka koonfurta Gobolka Mudug ku sheegay mid dadka deegaanka looga dulqaadayo dhibaatada ay ku hayaan kooxaha argagixisada.

Villa Somalia ayaa la fahamsan yahay in ay gadaal ka riixeyso dardargelinta gulufka militari ee lagu xoreynayo deegaanada ay Shabaabku ka maamulaan Gobolada Dhexe.
Ad
Previous articleWararkii ugu Danbeeyey Qodobada ugu culus wada-hadallada DF iyo Somaliland
Next articleCiyaartoyda Galmudug iyo Horshabeele oo Galabtay afka isdari Doona

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here