Home Wararka Somaliya Galmudug Baarlamaanka Galmudug oo Maantay Ansixiyay Sharciga U ogalanaaya Qoor Qoor Mudo Kordhin(Sawiro)

Baarlamaanka Galmudug oo Maantay Ansixiyay Sharciga U ogalanaaya Qoor Qoor Mudo Kordhin(Sawiro)

0

Golaha Baarlamaanka Galmudug ayaa maanta yeeshay kulankoodii Caadiga ahaa, uuna Shir guddoominayey Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Dr. Maxamed Nur Gacal.

Kulankii Maanta ayaa Ajandihiisu ahaa

  1. Doodda iyo Ansixinta Wax-ka beddelka Dastuurka Galmudug oo ka dhigan muddo kororsi sanad ah oo ay sameysanayaan madaxda iyo heyadaha Galmudug iyo
  2. Ansixinta Qaraarka Xukuumadda ee Degmeynta Degmooyinka Cusub ee Galmudug.

Kulankii Baarlamaanka ee Maanta ayaa lagu Ansixiyey laguna meel mariyey Wax-ka beddelka Dastuurka Galmudug iyo Degmeynta Degmooyinka  Bandiiradley, Dhabad iyo Galinsoor, kadib markii ay buuxiyeen Shuruudihii Degmanimo, Soona mareen Habraacii Shuruudaha Degmanimo iyaga oo ka mid noqdaan Degmooyinka Dawlad Gobaleedka Galmudug.

Kulanka Baarlamaaanka oo ay soo xaadireen 49 mudane ayaa si aqlabiyad ah u ansixiyey Degmooyinkaas iyo Dib u eegista Dastuurka Galmudug

Ad
Previous articleDuqeyn cirka ah oo lagu qaaday Saakow iyo Salagle oo khasaare gaysatay(Sawiro)
Next article15 qof oo ku dhintay shil baabuur oo ka dhacay Canada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here