Home Wararka Maanta Madaxweynaha Galmudug oo Maanta FurayShirweynaha Arrimaha Deegaanka Iyo Isbedelka Cimilada ee Galmudug...

Madaxweynaha Galmudug oo Maanta FurayShirweynaha Arrimaha Deegaanka Iyo Isbedelka Cimilada ee Galmudug (Sawiro)

0

Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi kaariye ayaa maanta ka qeybgalay Shirweynaha arrimaha Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Galmudug, oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Deegaanka,Isbedelka Cimilada, iyo Horumarinta Reer Miyiga Galmudug.

Shirkan oo ay goobjoog ka ahaayeen xubno katirsan goleyaasha dowladda, guddoomiyaha Maxkamada Sare, Xeer-ilaaliyaha Guud Ee Galmudug, Maamulka Caasimada, Rugta Ganacsiga iyo Hay’adaha kale ee arrimaha bii’ada.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray badbaadinta deegaanka, iyadoona lagu soo bandhigay siyaasadda ilaalinta deegaanka iyo sidii loo hirgelin galin lahaa sharciga maareynta deegaanka.

Madaxweynaha ayaa xusay ahmiyadda ilaalinta deegaanka isagoona bulshada ku dhiirigeliyey iney dhowraan kuna dhaqmaan sharciga deegaanka.

Ad
Previous articleShir u dhaxeeya Hay’adaha Amniga dalka iyo Golaha Nabada ee Midowga Afrika oo Muqdisho ka Furmay {Swairo}
Next articleTaliyaha Ciidanka Lugta oo ka hadlay Dagaalo shalay ka dhacay Gobalka Mudug

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here