Home Wararka Maanta Hal Shuruud oo adag ayay ku xirtay Soomaaliya wadahadal ay la...

Hal Shuruud oo adag ayay ku xirtay Soomaaliya wadahadal ay la gasho Itoobiya

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku gacan seertay dalab culus oo uga yimid guddiga nabadda iyo ammaanka AU, kaas oo ku aadanaa dhex-dhexaadinta Soomaaliya iyo Itoobiya oo haatan isku haya heshiiska badda.

Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa shaaca ka qaaday in aaney jirin wax dhex dhexaadin ilaa inta ay Itoobiya dib uga laabaneyso is afgaradkii sharci daradaa ahaa ee ay la gashay Somaliland.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliyeed aysan wax gorgortan ah ka geli doonin baddeeda, ayna lama taabtaan tahay madax bannaanida Soomaaliya.

Sidoo kale wasaaradda arrimaha dibadda waxaa qoraalkeeda lagu soo dhoweeyay guddiga aabadda iyo ammaanka ee Midowga Afrika ee ahaa in la liaaliyo madax bannaanida iyo midnimada dhuleed ee dalalka xubnaha ka Ururka Midowga Afrikaa.

“Waxaan uga mahadcelinayaa Golaha ammaanka iyo nabadda Midowga Afrika xaqiijinta ku aaddan madaxbannaanida waddamada xubnaha ka ah AU, Itoobiya waxay heshiis sharci darro ah la saxeexatay gobolka waqooyi (Somaliland), taasoo xadgudub ku ah madax-banaanida Soomaaliya, dhex dhexaadin ma jirto ilaa Itoobiya ay taas saxdo oo ay ka noqoto MOU-ga sharci darada ah” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda arrimaha dibadda.

Go’aanka dowladda ayaa kusoo aadayo, ayada oo maanta oo Arbaco ah ay Uganda shir ku leeyihiin waddamada IGAD, kaas oo looga hadlayo xiisadaha Soomaaliya iyo Itoobiya.

Shirka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa ka qayb-galaya madaxweyne Xasan Sheekh, hayeeshee waxaa diiday oo ka cudur daartay ra’iisul wasaare Abiy Axmed taas oo fursad siineysa Soomaaliya, si ay garteeda usoo saarto miiska, una caddeyso gar-darrada ay ku sameysay Itoobiya.

Qoraal kooban oo kasoo baxay Villa Soomaaliya ayaa waxaa lagu yiri “Madaxda Urur-Goboleedka IGAD ayaa ka arrinasanaya farogelinta Itoobiya ay ku sameysay madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya”.

Dowladda Federaalla Soomaaliya ayaa horay uga carootay is-afgaradkii ay Itoobiya la gashay Somaliland. Is-afgaradka ayaa dhigayey in Somaliland ay dhul dhan 20km oo bad ah ka kirayso Itoobiya, taa beddelkeedna ay Itoobiya aqoonsato Somaliland, sida ay sheegtay Somaliland, inkasta oo Itoobiya aysan weli xaqiijin arrinta aqoonsiga.

Ad
Previous articleFaahfaahinta diyaarad gargaar sidday oo ka baxday dhabaha diyaaradaha Ceelbarde
Next articleQaramada Midoobay oo war ka soo saartay diyaarad ku burburtay Ceelbarde

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here