Home Wararka Somaliya Galmudug Horjoogayaashii Alshabaab ee Ku sugnaa Ceelbuur oo Isaga Baxay Degmadaas

Horjoogayaashii Alshabaab ee Ku sugnaa Ceelbuur oo Isaga Baxay Degmadaas

0

Warbaahinta dowladda Soomaaliya ayaa maanta shaacisay in horjoogayaashii kooxda Al-Shabaab ay isaga baxeen degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, halkaas oo uu ku wajahan yahay guluf ka dhan ah Al-Shabaab.

Hoggaamiyeyaasha Al-Shabaab ee u dhashay Ceelbuur ayaa  isaga baxay degmada habeenadii Axada iyo Isniinta ee todobaadkan, Sida ay shaacisay warbaahinta dowladda.

Sababta ayaa lagu sheegay in ay soo wajahday cabsi xoogan oo ku aadan howlgallada ka socda gobolka, kuwaas oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka.

Warbaahinta Qaranka ayaa sidoo kale warisay in kooxda Al-Shabaab ay ku fashilintay in odayaasha deegaanka ay garab ka hesho, si loogu garab istaago dagaalka iyo difaaca Ceelbuur oo ka mid ah degmooyinka waa weyn ee ay muddada ku sugneyd kooxdu.

Sidoo kale waxa ay intaasi kusii dartay in odayaashu ay xittaa diideen inay beel ahaan ula wareegaan hubka Al-Shabaab, taasina ay keentay inay isaga huleelaan halkaasi.

Ma shaacin dowladdu halka ay aadeen horjoogayaaashaasi, balse waxa ay tilmaamtay in dhalinyaro kasoo jeedo koonfurta Soomaaliya looga tegay gudaha degmada.

Tallaabadan ayaa muujineysa in ay meesha ka baxday rajadii Al-Shabaab ee ku aadaneyd inay dagaal ku difaacdaan Ceelbuur, sida ay warisay Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo ciidan laga dareemayaa agagaarka degmadaas oo ay kusii jeedaan ciidamada huwanta Soomaaliya.

Sidaan oo kale ayaa horay saraakiisha iyo xubnaha Al-Shabaab ay usoo banneeyeen deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobollada dhexe, ka hor inta aysan gaarin ciidamada.

Si kastaba, waxaana haatan gobollada Galgaduud iyo Mudug oo la’isku yiraahdo Galmudug, haatan ka socdo gulufkii ugu dambeeyay oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo degmooyin badan looga qabsaday, waxaana ugu dambeeyay degmada Xarardheere ee gobolka Mudug

Ad
Previous articleSoomaaligii ugu Horeeyey oo loo Magacaabay Taliha Nabad Sugide Dalka Kenya
Next articleSaraakiil Maraykan ah oo Nigeria lagu laayey

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here