Home Wararka caalamka Daawo-Ciidamada Hungary oo si naxariis dara ah ugaraacay Qaxooti Siiriyaan kadib rabshado...

Daawo-Ciidamada Hungary oo si naxariis dara ah ugaraacay Qaxooti Siiriyaan kadib rabshado dhax maray,,

2

Ciidamada ilaalada xaduudaha ee Dalka Hungary ayaa shalay awood u adeesaday si xuna ula dhaqmay qaxooti badan oo Siiriyaan ah, kuwaa oo donayay in ay ka gudbaan xadka uu dalkaasi la wadaago dalka Serbia.

Rabshado u dhaxeeyay Ciidamada Hungary iyo dadka qaxootiga ah ayaa qarxay kadib markii ay ciidamada ay xireen ku dhawaad 30-qof oo kamid ahaa qaxootiga Siiriyaanka ,kuwaa ay ku eedeeyeen in ay rabashado sameeyeen sidoo kale yihiin argagaxiso.

Qaar kamid ah dadka qaxootiga Siiriyaanka ayaa bilaabay in ay dhagxaan ku tuuryeeyaan ciidamada ilaalada xaduuda ay wadaagaan Hungary iyo Seria, waxa ayna ciidamada dhankooda adeegsadeen sunta dadka ilmada ka keenta iyo biyaha ay booyadaha tuuraan .

Tiro kamid ah dadka Siiriyaanka ah ee ku sugnaa xadka Dalka Hungary ayey waxyeelo kasoo gaartay sunta ay ciidamada adeegsadeen iyo jirdilo ay sidoo kale ciidamada kula dhaqaaqeen qaar kamid ah dadka Qaxootiga ah.

Dowlada Serbia ayaa dhankeeda taakulo caafimaad u fidisay dadka qaxootiga ee waxyeeladu kasoo gaartay Ciidamada Hungary, waxa ayna Dowlada Serbia ay cambaareysay awooda ay ciidamada Hungary u adeegsadeen dadka Muhaajiriinta ah.

hun hun_2 hun1 hun2 hun4 hun5 hun6 hun7 hun8 koronto_2

10 ku laabo mudug24 xiriir

2 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here