Home wararka Dalka Galmudug oo si Kulul uga Hadashay Warar la isla Dhax marayay,,

Galmudug oo si Kulul uga Hadashay Warar la isla Dhax marayay,,

3

Iyadoo warbaahinta gudaha qaarkood ay sheegeen in ciidamo katirsan Galmudug ay qabsadeen madaxtooyada Galmudug ayaa hadalkaasi waxaa beeniyay dowlad goboleedka galmudug.

Maxamuud Aadan Cisman (Masagawaa) wasiirka warfaafinta Galmudug oo lahaday warbaahinta  ayaa sheegay in hadalka sheegaya in ciidamo katirsan Galmudug ay gadoodeen islamarkaana qabsadeen madaxtooyada ay tahay been abuur sal iyo raad aan laheyn.

Wasiirka warfaafinta ayaa sheegay in ciidamo katirsan aysan gadoodin hase yeeshee warbaahinta baahisay hadalkaasi laga rabo inay keenaan ciidamada godooday.

Xalay ilaa maanta ayaa qaarkamida Idaacadaha Muqdisho waxa ay baahinayeen in ciidamo gadood ah madaxtooyada ay qabsadeen madaxweynaha Galmudug ay u diideen inuu galo madaxtooyada hase yeeshee hada waxaan daba joognaa Idaacadaha baahiyay warkaasi ayuu yiri wasiirka warfaafinta.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya xili ay soo baxayaan warar sheegaya in ciidamada Galmudug aysan mushaar qaadan sadexdii bil ee lasoo dhaafay,

galmudug

 

10 ku laabo mudug24 xiriir

3 COMMENTS

  1. aderr way jiraan anaga ayaana ugu tagnay xitaa waxaanu galnay gudaha waana run ciidamo ka tirsan gal mudug inay hays teen madax tooyada isku sheega waana hadal jira anaga ayaana idaacadaha galinay ninkii ka hadlayow kalay aniga igala hadal buuqna looma baahna iyo wax jira qarin teet

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here