Home Wararka Maanta Madaxweynihii Hore ee dalka oo la Kulmay Gudoomiye Cabdi Xaashi iyo Mahdi...

Madaxweynihii Hore ee dalka oo la Kulmay Gudoomiye Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed (Sawiro)

0

Madaxweynihii hore ee Dalka ahna Guddoomiyaha Midoowga Murashaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sh Axmed ayaa la kulmay Guddoomiyaha Aqalka sare ee dalka Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’isulwasaare ku xigeenka XFS Mahdi Maxamed Guuleed ( Khadar ).

Madaxweyne Shariif ayaa ku bogaadiyay Guddoomiye Cabdi Xaashi iyo RW ku xigeenka Mahdi Guuleed sidii wacneed ee ay u hoggaamiyeen Doorashadii aqalka sare ee gobolada Waqooyi.

” waxaan markale u hambalyaynayaa 11-ka xubnood ee loo doortay aqalka sare in ay ku matalaan gobolada Waqooyi ee dalka, waxaa xusid mudan doorkii hoggaamineed ee guddoomiye Cabdi Xaashi iyo Ra’isulwasaare ku xigeenka Mudane Mahdi iyo tanaasulkii ay muujiyeen, sida hufan ee furan ee loogu tartamay kuraasta” ayuu yiri Madaxweyne Shariif Sh Axmed.

” Doorashada aqalka sare ee gobolada Waqooyi waxaa kale oo ka muuqday biseyl, Wada shaqayn iyo is aaminaad labada hoggaamiye ah, waxaan rajeynayaa in sidaa oo kale u qabsoonto doorashada Golaha Shacabka xubnaha ku matalaya gobolada Waqooyi, si xor iyo xalaal oo kor u qaadaysa kalsoonida dadweynaha”

“Waxaa lagama marmaan ah in si dhaqsi loo galo doorashada Golaha shacabka, xubnaha Sanatarada ka harayna ay dhaqsi ah u soo dhameystiraan dowlad goboleedyada”

Ad
Previous articleRa’isul Wasaare Rooble oo isbitaalka Baraawe Daawo ku wareejiyay , waxuuna Kormeeray Goobaha Doorashada (Sawiro)
Next articleDoontii ugu Horeysay ee Kuluumaysi Ayaa ku xiray Dekeda Hobyo. (Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here