Home Wararka maanta Dhageyso-Puntland oo Mooqif Cad kasoo Saartay Shirka looga hadlayo Hiigsiga Somalia

Dhageyso-Puntland oo Mooqif Cad kasoo Saartay Shirka looga hadlayo Hiigsiga Somalia

1

Dowladda Puntland ayaa sheegtay in ka hor 20-ka Bishaan September oo lagu ballansan yahay in la iskugu yimaado Shir wadatashi ah oo looga hadlayo Aayaha Siyaasadeed ee Soomaaliya iyo Qorshaha Nooca ay noqonayso Doorashada Soomaaliya ka dhacaysa 2016-ka, inay Caddayn doonto Mowqifkeeda ka qaybgalka shirkaas maadaama ay jiraan waxyaabo badan oo dowladda Puntland ay horay uga biidday ayna ka mid ahayd in la fulin waayey heshiisyo horay loo wada galay iyo in waxyaabo badan la isdaba mariyey, taas oo aan la sixinna aysan diyaar u ahayn inay ajiibto shir Doorashada 2016 looga hadlayo.

Afhayeenka Madaxtooyada Dowladda Puntland C/laahi Maxamed Jaamac ( Quraan Jecel) oo la hadlay Idaacadda Maxallliga ah ee Daljir ayaa sheegay in Waqtiga shirka loo ballansan yahay ka hor ay dowladda Puntland war soo saari doonto oo ay caddayn doonto Mowqifkeeda.

Quraan Jecel sidoo kale waxaa uu xusay in ka dib Caleema Saarkii Madaxweynaha Jubbaland shirkii Kismaayo ka dhici lahaa ee arrimahaan looga hadli lahaa ay dowladda Puntland ka cudur daaratay ka qaybgalkiisa, islamarkaasina ay sheegtay inaysan ajendahaas Kismaayo u tagin.

Halkaan ka dhageyso Wareysiga Afhayeenka Madaxtooyada.

 

puntland

10 ku laabo mudug24 xiriir

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here