Home Wararka Maanta Obama oo Israa’iil uga digay inaysan samayn qalad la mid ah kii...

Obama oo Israa’iil uga digay inaysan samayn qalad la mid ah kii Maraykanku sameeyay dhacdadii 9/11

0

War qoraal ah oo ku bilaabmaya taageerada Israa’iil ee ah “xaqa ay u leedahay inay is difaacdo” ayuu madaxweynihii hore ee Maraykanka, Obama uga digay Israa’iil in aanay samayn khaladaadka Maraykanku galay wixii ka dambeeya dhacdadii 9/11.

Madaxweynihii hore ee Maraykanka Brack Obama ayaa ku miisaamay dagaalka ay Israa’iil ku hayso Qaza, isaga oo Isniintii soo saaray bayaan uu ku taageeray Israa’iil “xaqqa ay u leedahay inay is difaacdo”, isagoo sidoo kale uga digay Israa’iil iyo Maraykanu inay iska indho tiraan dhibaatada Falastiiniyiinta.

Bayaanka, oo lagu daabacay Medium, ayaan ka fogeyn mawqifka maamulka Biden ee uu hadda ku taageerayo ficilada Israel ee Gaza, balse waxa uu sameeyay kala soocid la taaban karo.

“Laakiin xitaa inanga oo taageerayna Israa’iil, waa inaan sidoo kale caddaynaa in sida Israa’iil ay u fulinayso dagaalka ka dhanka ah Xamaas ay tahay wax lagu baraarugsanaado,” ayuu yiri Obama.

Ad
Previous articleXoghayaha guud ee Qaramada Midoobey iyo Israa’iil oo ay ka dhex tolantay
Next articleDeni oo Weerar ku Qaaday Shirkii Golaha Wadatashi Qaran ee Puntland ka Maqnayd

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here