Home Wararka caalamka Daawo-Obama oo Casumay 14 jir Muslim ah oo Booliiska u xireen saacad...

Daawo-Obama oo Casumay 14 jir Muslim ah oo Booliiska u xireen saacad uu Sameeyay,,

4

Axmed Maxamed oo ah 14 sano jir dhigta dugsiga dhexe ee magaalada Irving, ee gobalka Texas ayey booliiska saacado xabsi ku hayeen kadib markii Saacad uu gacantiisa ku sameeyey oo uu geeyey iskuulkiisa loo maleeyey inuu ahaa bambaano.

Axmed oo ah arday jecel inuu gacantiisa ku sameeyo qalab kala duwan ayaa doonayey inuu macalimadiisa tuso saacada uu sameeyey, balse Maamulka Iskuulka uu dhigto ayaa Booliiska u yeeray kadib markii ay ka shakiyeen saacada oo ay ku tilmaameen Waxyaalaha Qarxa, dhacdadan oo la yaab ku noqotay shacabka Maraykanka.

Booliiska ayaa Axmed geeyey saldhiga iyagoo wareysi ka qaaday isla markaana intii ay hayeen u diiday inuu waalidkiisa waco, balse Axmed ayaa xabsiga laga siidaayey kadib markii Waalidkiisa ay tageen saldhiga lagu hayey, arrintan oo laga yaabo in Qoyska Axmed ay dacwad kusoo oogaan Booliiska magaaladaasi oo si sharci daro ah ku xiray cunugan aan qaangaarin oo aan wax danbi ah gelin.

Dhacdadan ayaa si weyn looga hadal hayaa baraha ay dadka kuwada sheekaystaan ee Internetka iyadoo dad badan ku tilmaameen falkan mid cunsurinimo maadaama ardaygan uu yahay Muslim, halka kuwo kale ay cambaareeyeen maamulka iskuulka iyo Booliiska oo ay ku tilmaameen kuwo aanba caqli lahayn hadii ay isku khaldeen Saacada Axmed iyo bambaano.

Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama oo arrintan soo dhexgalay ayaa Axmed Maxamed ku casumay Aqalka Cad isagoo ugu hambalyeeyey Saacada uu sameeyey oo uu ka codsaday inuu ugu keeno xafiiskiisa Aqalka Cad, sidoo kale qaar kamid ah Siyaasiyiinta Maraykanka sida Hillary Clinton ayaa fariin u dirtay wiilkaasi isla markaana cambaareysay falka lala beegsaday.

Waxaa isaguna fariin noocaan ah soo saaray ninka sameeyey Facebook Mr.Mark zuckerberg oo sheegay inuu Axmed ku casumayo Xarunta Facebook si uu ugu dhiiri geliyo jaceylka uu u qabo waxbarashada iyo sida wanaagsan ee u dadaalayo.

 

wiil 14

10 ku laabo mudug24 xiriir

4 COMMENTS

  1. Soomaalidda degen mareykanka. Waa iney wax ka bartaan dhibka ku dhacey Wiilkaani Muslimka ah. Waxa lagu xirey waa Diintiisa iyo Midibkiisa. Naceybka ka jiro Dalka mareykanka maahan wax halkaani lagu soo koobi karin.

    Waxa ugu wacan waa dadka aan Islaamka ahayn oo ah Dad cunsirayadoodu tahay mid xad dhaaf ah markii ay noqoto ama la soo hadal qaado shacabka muslimiinta ah ama Diinta Islaamka. Naceybkoodu Maahan Arin caqli & cilmi ku saleysan oo aan ka ahayn Naceyb ay u qabaan & faham Qaldan oo ay ka qaateen Diinta Xaqa ah Ee Islaamka.

    Waalidka Soomaaliga ah waxaa la gudboon in ay
    Caruurta Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalalka reer galbeedka aysan dirinta/saliga dhigan dalaka ay ju nool yihiin. Balse dhaqoodu inuu noqdo Dad muhaajiriin ah oo ku jiro Safar oo kale. Caruurta Soomaaliyeed waa in Dalkooda dib loogu soo celiyaa, sababtoo ah. DAL AAN KULA WADAAGIN DHAQAN, DIIN & LUUQAD.

    Haddii ay jirto dhalinyaro Soomaali ah oo ay heysato dhib moocaan iyo mid lamid ah ( racial profiling ) waa in waalidiintooda la xiriiraa Looyar ama qunsulka Soomaliya u fadhiyo wadamada ay cunsiriyadu ku badan tahay. Dhalinta ku dhaqan qurbaha dhibaatadda ay la kulmaan ma yara.

    Waa in waalidiinta Soomaaliyeed xil weyn iska saaraan bad baadinta Mustaqblka Caruuurtooda.

    NB :- isticmaalka iyo ku tiirsananta Alladaha Facebook & watapp. Shirkadahaani waa shirkad caalami ah oo hal meel ( data servers ) ku keydiso xogaha Dad weynaha Caalamka. TUSAALE waqtiyadii hore waxaa jirey in sawirkaaga uusan dhaafsiisneyn Albumka guriga kuu yaalo. Cida keliyaah ee arki jirteyna ay ahayd qoyskaaga iyo dadka martida ah ee guriga imaado… Hada sidaasi waa ay ka duwan tahay, wax kastana waxa ay noqdeen international ama Global waxa loo yaqaan. Haddii aad faceboook & wataspp ku keydiyso xog ama sawiro, waqti gaaban gudihiisa warbixintaasi ( sawirkaasi ) waxa uu noqonyaa mid Global ah. Sidaasi darteed maahan wax gacantaada ku jiro. SU’AASHA LA ISWEYDIINKARA WAXA AY TAHAY SAWIRADA QOFKA AAD U BAAHN TAHAY WUU ARKAYA, BALSE YAA MILKIILO JIMADEEDA LEH AMA GACANTA UGU DAMBEYSO OO AY KU DHACEYSO SAWIRADADA WAA TUMA ?

    Shirkadda facebook u sameysatay waxa loo yaqaabo ( Data servers ) lagu keydiyo xogta dad weynaha Caalamka. Waxayaabah uusan la socon isticmalaha waxaa kamid ah…

    A. Yaa iska leh shirkadda keydin karta xogta dadweynaha caalamka oo dhan.

    B. Xagee ku keydisaa, yaase iska leh ?

    C. Maxat tahay sababta ay u aruuriso xogaha Dadaeynaha caalamka oo dhan ?

    D. Ugu dambeybtii Sawiradda, qoraaladda iyo xogta aan ku shubo facebook yey gacanta u galeysaa? Iwm

    Shacabka Soomaaliyeed waaa in laga wacyi geliyaa istcmaalaka iyo ku tiirsananta social networks ka caalamka gaar ahaan kuwa uu adeeguddu ku jiro dal daloolo. FACEBOOK waa aaladdii ugu horeysay oo ay FBi da & Cia da mareykanka isticmaaleen. Kana heleen xogii ay ku rideen ama kacdoono kaga abuureen Dalal badan oo Islaam ah oo markaasi ju jirey Xasilooni & Dowladnimo wanaagsan.

    SOOMAALIYA WAXA AY U BAAHAN TAHAY INEY XAL U HESHO DATA DRAIN AMA XOG MIN GUURISKA CAALAMKA KU SOO BADANAYO IYO SHIRKADDAHA AAN LA OGEYN CIDA ISKA LEH AMA AY U SHAQEEYAAN, BALSE ADEEG LACAG AL’AAN AH OO AY BIXIYEEN DARTOOD. XOGTA NOLOSHAADA JIRITAANKEEDA MUHIIMKA U AH AAD SI FUDUD OO AADAN OGEYN CID KALE UGU FACAN GELINEYSO.

    DATA DRAIN NEEDS AND THE SOMALI PUBLIC DATA WILL NEED ULTIMATE SOLUTION. ALL DATA DATA SHOULD BE KEPT IN SOMALI SOIL.

    SOMALIYA SOOMALI BAA LEH.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here