Home Wararka Maanta Shiikh shariif iyo Xasan Shiikh oo ku kala Kacay shir ay Nairobi...

Shiikh shariif iyo Xasan Shiikh oo ku kala Kacay shir ay Nairobi ku Yeesheen

0

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray uga hadlay wadahadallo isaga iyo madaxweyne Xasan Sheekh ay ku yeesheen magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Sheekh Shariif ayaa xaqiijiyey in wadahadallada ay fashilmeen, oo wax xal ah lagu gaari waayey, xogtaas oo ay xalay idinla wadaagtay Caasimada Online. Wuxuu sidoo kale sheegay in saddex qodob diiradda lagu saaray wadahadallada balse dhammaantood lagu isku afgaran waayey. Hoos ka aqriso qoraalka Shariif.

WAR-SAXAAFADEED

Sida ay la socdaan Shacabka Soomaaliyeed, waxaa jirey kulan kadhacay magaalada Nairobi, oo ay ujeeddadiisu ahayd sidii xal looga gaari lahaa arrimaha masiiriga ah ee dalka, kaas oo ay soo qaban-qaabiyeen qaar ka mid ah odayaasha Dhaqanka iyo Waxgarad.

Marka hore, waxaan mahad aan la soo koobi karin u jeedinayaa madax dhaqameedkii iyo waxgaradkii sida hagar la’aanta ah ugu istaagay isku soo dhaweynta aragtiyada kala duwan. Waxaan leeyahay Ilaahay ha idinka abaal mariyo.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Aniga Odiyaashu waxay noo daayeen wada hadalka iyo xallinta arrimaha jira inaan isla meel dhigno sida uu Madaxweynuhu codsaday, Aniguna Kulankaas waxaan ku tagay niyad wanaag iyo in xal laga gaaro arimaha lagu kala aragtida duwanyahay kuwaasoo kala ah seddexda arrimood ee hoos kuxusan:

1. Arimaha Dastuurka
2. Arimaha Siyaasada iyo Mustaqbalka Dalka
3. Khilaafka DFS iyo Dowlad Goboleedka Puntland

Dood dheer kadib, xal waan ka gaari weynay dhamaan qodobadii aan ka doodney, Waxaan rumeysanahay mabda’a ah in khilaafaadka siyaasadda lagu xalliyo wadahadal iyo is qancin, marxalada adag ee uu maanta dalku maraayana ay tahay lagama maarmaan ilaalinta midnimada iyo wadajirka Dadka iyo Dalka Soomaaliyeed.

Mar kale, waxaan u mahad-celinayaa Waxgaradkii iyo Ganacsatadii dadaalka iyo dhaqaalahaba ku bixiyey in xal laga gaaro khilaafaadka jira.

Ad
Previous articleDowladda Soomaaliya oo Shaacisay Qorshe aysan Waligeed Itoobiya ka Aqbali Doonin
Next article“Waxaan sugayay inaan dhabta ku qabto ilmahaygii curad, balse waxaa la ii sheegay in hooyada iyo ilmahaba geeriyoodeen” ayuu si dareen leh u yiri seyga Nadiira.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here