Home Wararka Somaliya Galmudug Wararkii Ugu Danbeeyey Alshabaab oo Weerar Qaraxyo Ku Bilowday Ku Qaaday Degaan...

Wararkii Ugu Danbeeyey Alshabaab oo Weerar Qaraxyo Ku Bilowday Ku Qaaday Degaan Ka Tirsan Galmudug

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar xoogan oo ay saaka Al-Shabaab ku qaadeen deegaanka Masagawaa oo ka tirsan gobolka Galgaduud, kaas oo ay ku sugan yihiin ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka.

Weerarka oo qaraxyo ku billowday ayaa waxaa laga soo warramayaa inay ka hortageen ciidamada huwanta ee ku sugan halkaasi, isla-markaana ay fashiliyeen.

Wararka ayaa sheegaya in xoogaga Al-Shabaab inta aysan soo gelin gudaha deegaanka ay dagaal kala hortageen ciidamada, kaas oo ka dhacay bannaanka deegaanka, sidaasna waxaa ku fashilmay weerarka, sida ay ku warantay wabaahinta ku hadasha afka dowladda.

Sidoo kale ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in dagaalka inta uu socday khasaare xoogleh lagu gaarsiiyay maleeshiyada Al-Shabaab, isla-markaana laga dilay dhowr xubnood oo kamid ahaa ragga weerarka soo qaaday.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta, Cabdiraxmaan Al-Cadaala oo ka hadlay weerarkan wuxuu sheegay in lagu jabiyay kooxda Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay.

Al-Cadaala ayaa sidoo kale xusay inay firxadeen raggii duulaanka soo qaaday, wuxuuna intaas ku daray in khasaaraha iyo faahfaahinta guud ay dib ka shaacin doonaan.

“Waa mahadsanyihiin Geesiyaasha Xoogga Dalka iyo kuwa Deegaanka ee Saaka dhabarka ka jabiyay Khawaarijta aagga Masagawaa, faahfaahin idin farxad galisa ayaa soo socota insha allaah, alle ayaa mahadsan”. ayuu yiri wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa aagga deegaanka Masagawaa ee gobolka Galgaduud.

Si kastaba, shalay ayay ahayd markii ciidamada huwanta ay howlgallo ka sameeyeen agaagaarka degmada Galcad iyo deegaanka Masagawaa, isla-markaana ay ku dileen 8 ka tirsanaa Al-Shabaab, sidoo kalena ay gacanta ku soo dhigeen labo sarkaal oo sare sare.
Ad
Previous articleCiidmada Uganda oo Sheegay inay ka Aarguteen Alshabaabkii Bulamareer Ku Weeraray
Next articleWararkii Ugu Danbeeyey Dagaalkii Masagawaa iyo Alshabaab oo Gadiid looga Gurtay Askar Badana looga Laayay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here