Home wararka Dalka Barakac ka Bilowday Degaan ka Tirsan Galmudug Maxay Tahay Sababta?

Barakac ka Bilowday Degaan ka Tirsan Galmudug Maxay Tahay Sababta?

2

Dadka ku dhaqan deegaanka Ceelhuur ee Gobolka Mudug, ayaa waxay maalmo ka hor ay isaga barakaceen guryahooda, ka gadaal markii biyaha badda ay ku soo rogamadeen.

Biyaha badda, ayaa waxaa la soo sheegayaa in ay ka sare mareen guryo fara badan, taasoo dadka deegaanka ku khasabtay inay guryahooda isaga barakacaan.Gudoomiyaha deegaanka Ceelhuur, Maxamed Maxamuud Cali (Shaacuur) oo ka hadlay dhacdadaasi, ayaa sheegay maalintii toddobaad in dadka deegaanku, ay ka maqan yihiin guryahooda.

Gudoomiyaha, ayaa sidoo kale sheegay biyaha soo rogmanaaya inaanay ku koobnayn badda oo keliya, balse waxaa kaloo jiro buu yiri togag waaweyn oo biyaha ay ka soo rogamanayan.

Shaacuur, ayaa xusay inaysan dadku u babac-dhigi karin biyaha soo rogmanaya, inkastoo sida uu sheegay ay dadaal badan sameeyen, wuxuuna codsaday in taageero loo fidiyo dadka deegaanka.

10 ku laabo mudug24 xiriir

2 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here