Home Wararka Maanta Baarlamaanka Soomaaliya oo lakala Furfuray iyo Maantay Wixi ka Dhacay Villa Hargaysa...

Baarlamaanka Soomaaliya oo lakala Furfuray iyo Maantay Wixi ka Dhacay Villa Hargaysa Xili lagu Balansanaa Kulan wayn

0

Kulan-weynihii Baarlamaanka labada Aqal ee ka dooddida wax ka bedeka Dastuurka ayaa maanta kooram la’aan u baaqday, kaddib markii xildhibaanada badankood ay soo xaadiri waayeen.

Baarlamaanka labada Aqal oo maalmahaan ku howlanaa ka dooddida cutubka 3aad ee wax ka bedelka dastuurka ayaa maalmahan guda-gali jiray ka doodista Dastuurka, iyadoo aan loo eegi jirin buuxsamida kooramka labada aqal, balse Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Aqalka sare Cali Shacbaan iyo Guddoomiye Kuxigeenka labaad C/llaahi Timacadde ayaa maanta ku dooday in aan dooda dastuurka la guda gali karin illaa laga helo kooram dhamaystiran oo Aqalka sare ah.

Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku dadaaleysa dhameystirka wax ka bedeka dastuurka ka hor fasaxa Baarlamaanka ee 10-ka dambe Bisha Ramadan, balse waxay is hortaagyo kala duwan kala kulmeysaa siyaasiyiinta mucaaradka iyo xildhibaano oo aan ku qanacsanayn hannaanka loo marayo wax ka bedelka dastuurka, iyadoo ay maqan tahay Puntland.

Ad
Previous articleWararkii Ugu Danbeeyey Gaashaanle Lagu Dilay Muqdisho
Next articleCaalamka: Kaalmada Dhaqaale oo laga Jarayo kuwa Dambiyada ka Geesta Sweden

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here