Home Wararka Somaliya Koonfur Galbeed Shir ka Dhan ahaa laftagareen oo Nairobi lagu Soo Gabgabeeyey iyo Qodobo...

Shir ka Dhan ahaa laftagareen oo Nairobi lagu Soo Gabgabeeyey iyo Qodobo Xasaasi ah oo laga Soo Saaray

0

Waxaa magaalada Nairobi lagu soo gabagabeeyey shir maalmihii lasoo dhaafay uga socday musharaxiinta u tartameysa xilka Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda deegaanada maamulkaas, waxaana laga soo saaray war-saxaafadeed.

Ugu horeyn bayaankaan waxaa lagu taageeray dagaalka ay dowladu kula jirto Al-Shabaab, waxaa lgu tacsiyeeyey dadkii ku shahiiday, waxaana lagu dhiirigeliyey ciidamada qaranka kaalintooda naf hurnimada ah.

“Mudo xileedkii madaxweynaha K/Galbeed wuxuu dhamaaday 2022-kii, wuxuu ku fashilmay inuu la dagaalamo Khawaarijta, wuxuuna gabaad siyaasadeed ka dhigtay Khawaarijta, waxaan isla garanay oo hoosta laga wada xariiqay in Shabaab aan laga xorey karin K/Galbeed oo doorasho xor ah aan laga qaban,” ayaa lagu yiri bayaankaan caawa soo baxay.

Sidoo kale madaxweyne Laftagareen waxay siyaasiyiintaan ku eedeeyeen inuu u hoggaansami diiday heshiiskii bishii Febraayo ee sanadkaan ay kula galeen Baydhaba, “Waxaa ugu horeeya oo dhaqan geli waayey dhowridda xoriyada hadalka iyo isku socodka ee muwaadinka ee deegaanada KG,” ayaa lagu yiri.

Caburin iyo awood u sheegashada masuuliyiinta kale ayey ku eedeeyeen Laftagareen, waxaana bayaanka lagu yiri, “Waxaa la joogaa waqtigii la qaban lahaa doorasho loo dhan yahay, mana muuqdaan wax diyaar garow ah oo socda.”

Wixii ka dambeeya 1-da bisha November, waxaa bayaankaan lagu sheegay in Laftagareen uusan door ku yeela doonin geedi socodka doorashooyinka maamulka Koonfur Galbeed, wuxuuna lamid noqon doonaa musharaxiinta kale.

“Maamulka doorashada waxaa iska leh wasaaradda arrimaha gudaha federaalka iyo odayaasha dhaqanka ee rasmiga ah, sida ku cad heshiiskii Baydhaba,” ayuu yiri Ilyaas Cali Xasan oo akhriyey bayaankaan.

Si looga baaqsado dib u dhac, waxay musharaxiinta iyo siyaasiyiinta soo saaray bayaankaan wasaaradda arrimaha gudaha federaalka ka codsadeen inay jadwaleyso waqtiga doorashada, si 1-da November loo bilaabo soo xulida xildhibaanada.

Waxay cambaareeyeen qorshe lagu bedelay qaar ka mid ah odayaashii rasmiga ahaa ee beelaha, waxayna wasaaradda arrimaha gudaha federaalka ka dalbadeen inay qaadato doorkeeda heshiiskii Baydhaba, si looga hortago qorshaha lagu bedelaayo odayaashii rasmiga ahaa ee beelaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayey masuuliyiintaan ka codsadeen inay fuliyaan heshiiskii Baydhaba ee garwadeenka ay ka ahaayeen, ciidamada ayaa looga digay inay ku milmaan doorashooyinka Koonfur Galbeed.
Ad
Previous articleWararkii ugu Danbeeyey Deegaanada Galmudug ee Alshabaab laga Saaray iyo kuwa Kaabiga Lagu Haayo
Next articleSaraakiishii ugu Badnayd oo Todobaadkii Lasoo Dhaafay Alshabaab laga Dilay oo Magacyadooda La Shaaciyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here