Home Wararka Maanta Bishaaro Balaayo oo Maantay Xabsiga Loo Taxaabay iyo Xeer ilaalinta oo War...

Bishaaro Balaayo oo Maantay Xabsiga Loo Taxaabay iyo Xeer ilaalinta oo War kasoo saartay

0

Xeer Ilaalinta Qaranka ayaa billowday beegsiga dadka dhaqan xumada ku baahiya baraha bulshada, ayada oo maanta soo xirtay Bishaaro Idiris Maxamed.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka oo gudanaya waajibkiisa ka saaran ilaalinta sharuucda dalka ayaa soo xeray Bishaaro oo maalmahii lasoo dhaafay baraha bulshada ku baahineysay muuqaalo anshax xumo ah.

Muuqaaladaasi ayay sheegtay Xeer Ilaalinta Qaranka inay aad u dhibsadeen bulshada Soomaaliyeed.

Xeer Ilaalinta Qaranka ayaa isla maanta horgeysay Maxkamadda gobolka Banaadir eedeysane Bishaaro Idiris oo ay soo xireen ciidanka booliska Soomaaliyeed.

Bishaaro Idiris ayaa waxaa lagu soo eedeeyay in ay ku xad-gudubtay anshaxa iyo dhaqanka, wuxuuna kiiskeeda uu billow u yahay beegsiga dadka baraha bulshada ku baahiya waxyaabaha lidiga ku ah anshaxa iyo dhaqanka.

Xafiiska Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay in uu tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadi doono cid walba oo lagu helo ayada oo sameyneysa wax lid ku ah dhaqanka iyo anshaxa.

Waxaa muddooyinkii dambe baraha bulshada, oo si weyn u isticmaasho Soomaalida kusoo badanayay dadka sameynaya waxyaabo ka baxsan anshaxa suuban iyo dhaqanka, waxayna dadka qaarkood ay qabaan inay tahay tallaabo lala soo daahay wax ka qabashada dhaqanadaasi.

Si kastaba, Xeer Ilaalinta Qaranka ayaa si rasmi ah u billowday beegsiga shaqsiyaadka waxyaabaha lidiga ku ah anshaxa iyo dhaqanka ku faafiya baraha bulshada, ayada oo sida Bishaaro Idiris oo kale la horgeyn doono maxkamadda, sida uu sheegay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

Ad
Previous articleMadaxweynaha Masar Cabdel Fattaax Al-Sisi oo mar kale ku guuleystay doorashada dalka Masar
Next articleGudoomiye aadan Madoobe iyo Wafdi uu Horkacaayo oo Gaaray Baydhabo(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here