Home Wararka Maanta Magacyada iyo Sawirada qaar kamid ah dadkii ku dhintay Weerarkii Hotelka Xayaat...

Magacyada iyo Sawirada qaar kamid ah dadkii ku dhintay Weerarkii Hotelka Xayaat oo la Shaaciyay

0

Weerar ku bilowday qaraxyo ismiidaamin ah ayna xigeen weeraro toos ah oo gudaha hotelka ku galeen dagaalyahano katirsan Al Shabaab, ayaa dhaliyay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

In ka badan 10-qof ayaa lasoo tabinayaa in ay ku dhinteen weerarka lagu qaaday hotelka Xayaat, waxaana suurto gal ah in khasaaraha inta hadda la ogyahay kasii bataan maadaama wali weerarka aan si rasmi ah loo soo afjarin.

Dadka ilaa hadda la ogaaday in ay ku dhinteen weerarka lagu qaaday hotelka Xayaat ayaa u badan dad shacab ah oo isugu jiray ganacsato, aqoonyahano, qurbojoog iyo dad kale oo hoteelka u tagay nasiino.

Magacyada dadka dhintay ee la xaqiijiyay waxaa kamid ah

1-Ganacsade Cabdiraxmaan Xasan Iimaan (Jilibey)

2-Sheekh Maxamed Baabili

3-Yuusuf Mahad Barrow

4-Ibraahim Raage Maxamed

5-Nasro Shiino

6-Cabdi Haadi Maxamed Sheekh

7-Xasan Maxamed Yalaxow

Weerarka lagu qaaday hotelka Xayaat ayaa sidoo kale lasoo sheegayaa in dad kale aan wali la aqoonsan magacyadooda ku jiraan kuwa dhintay, waxaana isbitaalada lagu daweenayaa dad badan oo dhaawacyo kala duwan weerarka kasoo gaaray.

Ciidamada dowladda ayaana wali isku dayaya in si buuxda usoo afjaraan weerarka Al Shabaab ku galeen hotelka Xayaat, mana jiro ilaa hadda war rasmi ah oo laamaha amniga kasoo saareen weerarkan iyo khasaaraha ka dhashay.

Ad
Previous articleDeg Deg Mid ka mid ah xubnihii dagaalamayay oo isa soo dhiibay
Next articleGaroon Diyaaradeed oo laga dhisayo degmo ay Go’doomiyeen Al Shabaab (Sawirro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here