Home Wararka caalamka Daawo Haweney Camero Man ah oo Fal Naxdin ah kula Kacday Qaxootiga...

Daawo Haweney Camero Man ah oo Fal Naxdin ah kula Kacday Qaxootiga Suuriya ee Ku Sugan Dalka Hungery,,

0

Warbaahinta Dunida waxaa ka soo muuqday falal isir naceyb ah marka la eego talaabooyinka shacabka iyo dowada Hungary ay kaga hortagayaan in qaxootiga Siiriya sii maraan dalka Hungary si ay u gaaraan dalalka hodan ah ee Yurub.

Riix Halkan si aad Muuqaalka u daawato

Gabar wariye ah oo u dhalatay dalka Hungary ayaa ka mid noqotay dadka dhibaateeya qaxootiga waxayna warbaahinta ka soo dhex muuqatay iyadoo laadeysa qaxooti siiriyaan.

Gabadhaan oo ka howlgasha mid kamid ah telefishinada dalka Hungary islamarkaana ah kaamiriiste ayaa shaqada laga eryay markii lagu heley inay laad la dhacday dad qaxooti ah sida aad sawirkaba ku arki kartaan.

Dadka qaxootiga ah ee siiriyaanka ah waxa Hungary u adeegsadaan inay ku gaaraan Germany iyo Austaralia meelahaasoo ay aaminsan yihiin inay nolol fiican ka heli doonaan.

Maalmihii ugu danbeeyay waxaa caalamku ku eedeeyay Dowlada Hungary inay falal aad u xun kula dhaqmeyso qaxootiga iyagoo diidan in dadkaasi dalkooda dhexmaraan.

Dhanka kale Boliis Boqolaal gaaraya oo Dowlada Hungary ay geysay xuduuda ayaa maara u la qulqulka qaxootiga soo jabsanaya xadka.

Qaramada Midoobe ayaa dhawaan soo saartay qiyaas ah in dadka qaxootiga ee la filayo inay Yurub gaaraan ay gaarayaan 400,000 ruux iyadoo ilaa iminka ay Yurub gaareen 120,000.

hun5 hun8 hung7

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here