Home Wararka Somaliya Galmudug Wararkii ugu Danbeeyey Madaxweyne Xaan shiikh oo Galabtay Dib ugu Soo laabtay...

Wararkii ugu Danbeeyey Madaxweyne Xaan shiikh oo Galabtay Dib ugu Soo laabtay Dhuusamareeb iyo Ciidamada Galmudug oo Deegaano hor leh kaa saaray Alshabaab

0

Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa Goordhowayd kasoo Dagay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Dhuusamareeb Asagoo Wali Xiran Tuutaha Dagaalka.

Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa Saarnaa Diyaarada Helicoptarka oo kasoo Qaaday Degmada aadan Yabaal oo uu ku sugnaa Labadii maalin ee lasoo Dhaafay.

Xasan shiikh ayaa Dib ugu soo laabtay Dhuusamareeb Xili Shalay iyo Maantay Ciidamada Dowlada iyo kuwa Deegaanka Galmudug Alshabaab kasaareen Deegaano Farabadan oo ay ka Mid tahay Degaanka Ceel lahelay.

Alshabaab ayaana Xalay Soo weeraray Deegaanka Ceel lahelay balse Ciidamada Dowlada ayaa iska Caabin Xoogan Kala Hortagay.

Dhanka kale Dagaal Culus ayaa ka dhacay Deegaan lagu magacaabo Dhabana  hays oo u dhow Ceel lahelay Taas oo Alshabaab kii Laga Saaray Ceel lahelay ay saldhigteen.

Dagaalkaan ayaa U dhaxeeyey Alshabaab iyo Ciidamada 15naad oo Asalkoodii ka yimid Ciidamada Ahlusuna Waljamaaca kuwaas oo Alshabaab kasoo Furtay Hub badan.

Madaxweyne Xasan Shiikh ayaana Amray  in Asbuucaan ay Ciidamada Dowladu Dib ugu laabtaan Goobihii ay dhawaan kasoo Gadoodeen sida Budbud Galcad Ceeldheer Masagawaa iyo Cowswayne.

 

Ad
Previous articleDowlada Soomaaliya oo Shaacisay Tirada iska soo Dhiibtay Alshbaab Tan iyo Markii Dagaalku bilowday
Next articleAlshabaab ku sugna Duleedka Xarardheere oo la laayay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here