Home Wararka Maanta Madaxweynaha Ruusha oo si kulul uga hadlay Dagaalada ay Soomaaliya ka wadaan...

Madaxweynaha Ruusha oo si kulul uga hadlay Dagaalada ay Soomaaliya ka wadaan Alshabaab

0

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa u rajeeyay Soomaaliya in ay guulo ay ka gaarto dagaalka ay kula jirto kooxaha hubeysan ee ka dagaalama dalka dhaca Geeska Afrika.

“Dowladda Soomaaliya waxay qaadaysaa tillaabooyin firfircoon oo lagu xoojinayo madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dalka, la dagaallanka argagixisanimada iyo xagjirnimada, waxayna raadineysaa inay abuurto xaalado soo nooleyn dhaqan-dhaqaale,” ayuu yiri Putin.

Safiirka Soomaaliya u fadhin doona dalka Ruushka, Xasan Cabdi Daa’uud ayaa Arbacadii shalay waraaqihiisa aqoonsiga ka guddoomay Putin.

Safiirka Soomaaliya iyo hoggaamiyeyaasha Ruushka ayaa ka wada hadlay rajada laga qabo in la sii horumariyo xiriirka laba geesoodka ah, waxaana ay xaqiijiyeen in Moscow iyo Muqdisho ay ka go’an tahay xoojinta iskaashiga labada dal, oo ay ku jiraan dhinacyada siyaasadda, ganacsiga iyo dhaqaalaha.

Ad
Previous articleWasiirka arimaha dibada Soomaaliya iyo Masuuliyiin kale oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Qadar
Next articleAmaro la duldhigay Shacabka Degmada Gurceel

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here