Home Wararka Caalamka Deg Deg: Ruushka oo Shaaciyay Khasaaraha Dhimasho iyo Dhaawac ee kasoo Gaaray...

Deg Deg: Ruushka oo Shaaciyay Khasaaraha Dhimasho iyo Dhaawac ee kasoo Gaaray Dagaalka Wali Kasocda Ukrain

0

Wasaaradda gaashaandhigga ee dowladda Ruushka ayaa soo saartay warbixin ay ku shaacisay tirada ciidanka looga dilay dagaalka halka todobaad ka socda wadanka Ukraine.

Bayaanka wasaaradda waxaa lagu sheegay in ciidanka Ruushka dagaalka looga dilay 498 oo askari, halka 1,597 kalena ay ku dhaawacmeen.

Khasaaraha ay qiratay dowladda Ruushka waxuu ciidankeeda gaaray tan iyo Khimiistii lasoo dhaafay markii uu gudaha Ukraine ka bilaawday duulaanka Moscow.

Wakaaladda wararka Ruushka ee RIA oo soo xiganeysa wasaaradda gaashaandhigga Ruushka ayaa baahisay in ciidamada Ruushka ay dagaalka ku dileen 2,870 qof oo isugu jira ciidanka iyo shacabka reer Ukraine, sidoo kalena la dhaawacay 3,700 oo qof oo kale.

Ma jiro wax war ah oo dowladda la weeraray ee Ukraine ay ka soo saartay khasaaraha rasmiga ah ee shacabka iyo ciidankeeda ka soo gaaray dagaalka todobada maalmood ay kula jireen ciidanka Ruushka.

Ad
Previous articleGalmudug oo Amaro Culus kusoo Rogtay Magaalada Gaalkacyo Xili Sabtida Doorasho lagu Qabanaayo
Next articleDeg deg: Soomaaliya oo lasafatay Ukrain Cambaaraysayna weerarka Ruushka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here