Home Wararka Maanta Mareykanka oo Malaayiin dolar dul dhigay madaxa Afhayeenka Al-shabaab Cali Dheere

Mareykanka oo Malaayiin dolar dul dhigay madaxa Afhayeenka Al-shabaab Cali Dheere

0

Mareykanka ayaa markii u horreysay abaal marin gaareysa 5 milyan oo dollar dul dhigay Afhayeenka Guud ee Al-Shabaab Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere)

Barnaamijka Abaal Marinta Cadaaladda ee Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa shaacisay in Cali Dheere uu ku lug lahaa qorsheynta weeraro argagixiso oo ka dhacay Soomaaliya iyo Kenya.

“Ma haysaa xog naga caawin karaa inaan helno Cali Maxamed Raage? Ma doonaysaa in aad u adeegto Caddaaladda aadna hesho malaayiin doolar? Fadlan booqo boggaga Barnaamijka Abaalmarinta Caddaaladda, oo qoraal noogu soo dir Signal-ka, Telegram-ka, ama WhatsApp-ka” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay.

Mareykanka ayaa ka hadlay hadafka barnaamijka abaal-marinta lagu bixiyo shaqsiyaadka la doon doonayo.

“Hadafka Barnaamijka Abaalmarinta Caddaalada (Rewards for Justice, RFJ) ayaa waxaa loogu talagalay in la soo saaro macluumaad wax tar leh oo ilaaliya dadka Mareykanka ah iyo in la sii wado amniga qaranka Mareykanka. Barnaamijku wuxuu balanqaadayaa abaal-marinno la bixinnayo cidii keenta xogta ku saabsan argagixisada, dhaqdhaqaaqyada hawlaha internetka ee qiyaanada ee shisheeyaha uu hagayo ee ka dhanka ah Maraykanka, iyo hababka maaliyadeed ee shakhsiyaadka lugta kula jira hawlaha qaarkood” ayaa lagu yiri qoraalka Mareykanka.

Dowlada Mareykanka ayaa horey sidan oo kale madaxooda lacag dul saaray saraakiil iyo hogaamiyeyaal sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Ad
Previous articleSaraakiil Sar Sare oo Ka Tirsan alshabaab oo Howlgal lagu Dilay iyo Dowlada oo Ka Hadashay
Next articleMaraykanka oo Maantay Dowlada Soomaaliya ku wareejiyay Hub ay Alshabaab kula Dagaalamaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here