Home Wararka Maanta Gamacsade Abuukar Axmes kabax oo Si Arxan daro ah loogu Dilay Muqdisho

Gamacsade Abuukar Axmes kabax oo Si Arxan daro ah loogu Dilay Muqdisho

0

Ganacsade Abuukar Axmed Kabax ayaa Saakay Meydkiisa Laga Helay Dukeedka Muqdisho Asagoo Geedo Dhexdood lagu Riday.

Ganacsadahaan ayaa Xalay Laga Afduubtay Degmada Yaaqshiid Xili uu kasoo Baxay Meel uu kubad Ku Ciyaaraayay inataas Kadib Waxaa Afduubtay Rag Hubaysan oo Sida La Xaqiijiyay Gaaraayay Afar nin.

Gaari uu asagu lahaa Ganacsade abuukar ayaana Lagu Afduubtay Marka la Afduubanaayay Waxaa Gaariga La saarnaa Walaalkiisa Ka Yar kaas oo Lagu Amray Inuu ka Dago Gaariga.

Baadi Goob dheer Kadib ayaa Saakay Maydka Ganacsadahaan Waxaa laga Helay Garasbaaleey Asagoo Geedo hoostood lagu Tuuray Xabadana Lala dhacay.

Ganacsadahan ayaana Ka Ganacsanaayay Lacagaha Sarifka Online ka Ilaa Hadala Lama Oga Sababta loo Dilay iyo Cida Dishay Sidoo kale Gaarigiisii oo ahaa nooca loooyaqaan Saarufta ayay Burcadu Horay usii Qaateen.

Dowlada Soomaaliya ayaanan Wali Ka Hadlin Dilkaaan Muqdisho Maalmihii lasoo Dhaafay Waxaa Ka Dhaacayay Dilal Argagax leh.

Ad
Previous articleSida ninkan Soomaaliga ah loogu magacaabay qunsuliyaddii ugu horreysay ee dal reer yurub ah ka furto Muqdisho
Next articleWararkii ugu Danbeeyey Saraakiil Shabaab ah oo lagu duqeeyay guri ku yaalla Kuntuwaarey

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here