Home Wararka Maanta Dowlada Federalka oo shaacisay tirada guud ee dhimashada iyo khasaaraha ay geysteen...

Dowlada Federalka oo shaacisay tirada guud ee dhimashada iyo khasaaraha ay geysteen roobabkii da’ay

0

Haya’adda Maaraynta masiibooyinka Qaranka ayaa sheegtay, in tirada dadka ku dhintay daadadka iyo roobabka xooggan ee ka da’aya gobolada Soomaaliya ay gaartay 29 qof halka kuwa waxyeeladu ka soo gaartay ay ka badan yihiin 850,000 oo qof.

Meelaha ugu daran ee daadadka iyo fatahaaduhu saameeyeen ayay haya’adda SOMDA ku sheegtay degmooyinka Garbahaaray, Baardheere, Ceelwaaq iyo Luuq oo ka tirsan gobolka Gedo iyadoo sidoo kale degmooyinka Baydhabo, Buurhakaba iyo Bardaale oo ka tirsan gobolka Bay ay waxyeelo xoogan gaarsiiyeen roobabku.

Gudoomiyaha haya’dda SOMDA, Maxamuud Macallin Cabdulle oo warbahinta la hadlay ayaa sheegay, in weli waxyeelada ay sii kordhi karto balse ay wadaan dadaalo xoogan oo loogu gurmanayo dadka ku sugan meelaha ugu daran.

Weli waxaa deegaano badan oo ka mid ah bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya ka da’aya roobab xoog leh oo sababay daadad rogmanaya kuwaas oo waxyeelo gaarsiiyey dad iyo duunyaba.

Ad
Previous articleWararkii ugu dambeeyey ee dagaalka ka socda GAZA iyo sida Haatan Xaalku yahay
Next articleNatiijada kursigii uu u tartamayay Nasri Warsame oo la shaaciyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here