Home Wararka Somaliya Koonfur Galbeed Xildhibaanada Koonfur Galbeed oo dalab lama filaan ah ka gudbiyay xiisadda taagan

Xildhibaanada Koonfur Galbeed oo dalab lama filaan ah ka gudbiyay xiisadda taagan

0

Xildhibaanada Golaha Wakiilada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta qoraal dheer kasoo saaray xiisada siyasadeed ee ka taagan maamulkaasi, kaasi oo ay ku dalbadeen in siyaasiyiinta loo furo garoonka diyaaradaha Baydhabo.

War-saxaafadeedka kasoo baxay Xildhibaanada Golaha Wakiilada maamulka ayaa waxa lagu sheegay in wixii ka dambeeyay muddo xileedka sharciga ah ee Lafta-gareen arrimaha maamulka lagala xaajoonayo guddoonka golaha wakiilada.

“Xildhibaanada waxay ku baaqayaan in colaada ka taagan magaalada Baydhabo la joojiyo oo aan la abuurin dhiilo colaadeed lagana shaqeeyo nabada iyo xasiloonida deegaanka. In 19-ka December wixii ka dambeeyey arrimaha deegaanada Koonfur lagula xaajoodo guddoonka Golaha Wakiilada, waa hay’adda kaliya ee sharciyad dhameystiran heysato wax kastana looga dambeeyo,” ayaa lagu yiri.

“Xildhibaanada waxay aad uga xun yihiin Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS in uu dib u dhigo shirkii dib u heshiisiinta ee lagu balansanaa ee looga hadlayey arrimaha siyaasada gaar ahaan doorashooyinka KGS, waxaan ka codsaneynaa Madaxda Qaranka in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u furaan shirkaas.”

Waxay ka dalbadeen dowladda federaalka inay ku taageerto Baarlamaanka KGS dhameystirka howlaha badbaadinta dowladnimada Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo sidii dhamaan ciidamada kala duwan ee amniga uga amar qaadan lahaayeen ku-simaha guddoomiyaha.

“Sida ugu dhaqsaha badan loo qabto doorashada Guddoomiyaha oo ah howsha ugu horeyso ee Golaha u taalo si loo dhameystiro Guddoonka Golaha sida ku cad qoddobka 10-aad, faqradiisa 4-aad ee Xeer Hoosaadka.”

Sidoo kale waxay madaxweyne Xasan Sheekh ka codsadeen in dib loo dhigo shirka Golaha Wada-tashiga Qaranka ee loo balansan yahay in uu dhaco maalmaha soo socda, maadama ay Koonfur Galbeed metalaad sharciyeysan ku laheyn.

“Xildhibaanada waxay ugu baaqayaan ku-simaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad inuu u hogaansamo baaqa xildhibaanada uuna dardar-geliyo howsha Golaha ee hortaala.”

Ugu dambeyntiina waxay ku baaqeen in laga wada-shaqeeyo sidii ay u qabsoomi laheyd doorasho xor iyo xalaal ah oo ka dhacda magaalada Baydhabo, taasi oo xal u ah isqab-qabsiga hada ka taagan Koonfur Galbeed.

Qoraalkan ayaa imanaya xili ay kasii dareyso xiisada siyaasadeed ee maamulka Koonfur Galbeed, islamarkaana ay soo baxayaan warar sheegaya in Xildhibaanada maamulkaasi ay u kala jabeen laba garab, kadib khilaafka ka dhashay muddo kororsiga uu golahaas kal hore u sameeyay Lafta-gareen.

Ad
Previous articleMadaxweyne Xasan Sheekh Oo Shir Deg Deg Ah Isugu Yeeray Madaxda Dowlad Goboleedyada.
Next articleGudoomiye Madaale oo Amray in sida Al Shabaab loola dagaalamo Ciyaalka Weerada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here