Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Gudoomiye Cali Jayte oo Lacag uu Horay u Balan Qaaday ku...

Gudoomiye Cali Jayte oo Lacag uu Horay u Balan Qaaday ku wareejiyay Askar Amiiro Alshabaab ah Soo Dilay Shalay(Sawiro)

0

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa goob fagaaraha ah oo ku taalla degmada Maxaas kula wareejiyay lacag dhan $10.000 Askar ka tirsan guutada 5-aad qeybta 27-aad Xds oo shalay howlgal qorsheeysan oo aay ka fuliyeen degmada Moqokori ku dilay 2-xubnood oo kamid ah. Maleeshiyada aragagexesada alshabaab

2-Askari oo filay howlgalkaasi ayaa gacanta loo galshay lacagtii uu horay ugu ballan qaaday guddoomiye Jeyte ciidanka xds iyo kuwa dib-u-xoreynta deegaanka.

Xildhibaanno baarlamaanka fedaraalka ka tirsan xildhibaanno baarlamaanka Hirshabelle kamid ah Saraakiil ciidaan maamulka degmada Maxaas iyo Boqolaal dadweyne ah ayaa goobjoog ka ahaa munaasabadda lacagta lagu gudeensiinayay labada askari ee katirsan ciidanka xooga dalka somaliyeed oo maalintii shalay jowlgal qorsheeysan ay kuqaarijiyeen laba xubnood katirsan maleeshiyada qawaarijta ee aragagexesada alshabaab.

Ad
Previous articleDowladda Soomaaliya oo dib u howlgalineysa Diyaarada Somali Airline iyo Guddi la magacaabay
Next articleWeerarkii Alshabaab ku Qaadeen Hotel Tawakal ee Magaalada Kismaayo oo lasoo Gabgabeeyey

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here